shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee maamul goboleedka Puntland oo Shabakada Wararka Ceegaag.com uga Waramaya safarkii uu ku tagay Qorilay iyo Xiisada Cadaada.

(Garoowe, October 15,  2010 Ceegaag Online)

Waraysigii Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Maamulka Puntland Daauud Maxamed Cumar( Daa,uud Binsile)  Dhagayso

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Maamulka Puntland Daauud Maxamed Cumar( Daa,uud Binsile) ayaa Shabakada Wararka Ceegaag.com uga Waramaya Colaadii dhawaan markale ka soo Cusboonaatay Deegaanka Cagaare Halkaasi oo beelo Walaala ahi Markale dagaal sababay Dhimasho iyo Dhaawac uu ku Dhexmaray, Colaaasi oo Dhowr Jeer oo Hore Dhexmartay Labadaasi Beelood oo Deegaankaasi Wadadaga.
 
Waxaana Goobtaasi Colaadu ka dhacday Gaadhay Wafti balaadhan oo Wasiirku Hogaaminayo oo kala dhexgalay Beelahaasi Waxaana Wasiirku Shabakada Wararka Ceegaag.com uga Waramay halka ay haatan marayso Dhex dhexaadintii laga Dhex Waday labadaasi Beelood. Waxana uu Wasiirku sheegay in Go,aamo laga soo saaray Hordhac ah Colaadaasi dibna loogu balamay in 2 Bilood kadib laysu yimaado Gogosha Nabad, Waxa uu intaasi Raaciyey in Beesha baharsame Labadaasi Bilood ay iyagu Qabsadeen.
 
Wasiirka ayaana Sidoo Kale Shabakada Wararka Ceegaag.com Wax ka Waydiisay Tacshiirad lagu Furay Wasiirka Xili uu ku Sii Jeeday Deegaanka Dharkayngeeyo halkaasi ku sugnaa Garaad Jamac Garaad Cali, Waxan Wasiirku Ceegaag.com u sheegay inay koox dablay ahi Jidgooyo halkaasi ku dhigeen kadiba Rasaas ku fureen, Wasiirka ayaan sheegay in aanay Wax talaabo ah aanay Qaaday ilaaladii uu Wasiirku Watay,.
 
Ugu danbaytiina Wasiirka ayaa sheegay inay Colaadii labada Beelood haatan tahay Mid degan isla markaana la kala Diray Dhamaan Ciidamadii labada beelood kulam Xoogana ay ka socdaan Deegaanadaasi oo Waxgaradkii Doonayo inay dajiyaan Colaada, ka maamul ahaana is garab taagayaan in Colaadaasi la soo afjaro, Waraysigaasi oo Dhamays Tiran ka dhagayso Shabakada Wararka Ceegaag.com.
 
Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com