Wararka Hada Naga soo gaadhay Degmada Widh Widh ayaa ku soo Waramaya in Galabta Goor gaaban Halkaasi Gaadheen Wafti Balaadhan oo ka socda Maamulka Somaliland Waftigaasi oo Isagu Jira Wasiiro Wasiiro Kuxigeeno Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa gaadhay Magaalada Widh Widh oo lagu soo Dhaweeyey Waftigaasi lana Dejiyey Guriyo loogu tala galay Waftigaasi ka socda Maamulka somaliland.
 
Wararka Shabakada Wararka Ceegaag.com ka helayso Magaalada Widh Widh ayaana Caawa ku soo Waramaya in Amaanka Degmada Widh Widh aad loo adkeeyey isla Markaana Wadooyinka la dhigay Ciidamo Tiro badan oo katirsan Maamulka somaliland oo iyagu Halkaasi horay u Joogay, Waxna kaloo gabi ahaanba Degmada ka socda olole Balaadhan oo loogu jiro sidii Halkaasi shir ugu furmi lahaan.
 
ilaa iminka Lama oga Waxyaabaha Shirkani lagu Qabanayo Magaalada Widh Widh looga hadlayo Waxana kaloo la ogayn Cida kale ee Shirkaasi uga Qayb galaysay Isimada Gobolada SSC Cuqaasha iyo Waxgaradka kale oo iyagu aan Wali gaadhin Degmada Widh Widh kana hadlin inay shirkaasi ka Qayb galin Doonaan Waxna kaliya oo Magaalada Widh Widh hada ku sugan Garaad Abshir Salaax oo ah Garaadka Beesha Guuleed Garaad(Barkad).
 
Warar Madaxbaan oo Heshay Ceegaag.com ayaa sheegay in Shirkaasi Degmada Widh Widh uga Furmi Doono Waftigaasi ka socda Maamulka somaliland iyo Waxgaradka beesha Guuleed Garaad(Barkad) Mana jiraan Warar lagu Kalsoon yahay oo Xaqiiijin kara Waxyaabaha laga Wadahadlayo iyo inay shirkaaasi ka Qayb gali  Doonaan Isimo Kale oo aan Madasha haatan Joojin Waxna kaliya oo la sugayaa Waxyaabaha Isbedeli Doonaana Saacadaha Soo socda.
 
Ugu Danbaytiin Waftigani ka Kooban Galoha Wasiirada Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa intooda badan ka soo Jeeda Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn Waxayn kala yihiin sidan Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta C/risaaq Maxamed Ibraahin Wkkuxigeenka Arimaha Gudaha Osmaan Garaad soofe iyo Wasiirka gaashaan dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami lataliyaha Madaxwayne Siilaanyo Arimaha gobolada Bariga Fu,aad Adan Cade iyo Xubno Kale Waana Waftigii ugu balaadhnaa ee ka socda Maamulka somaliland ee soo gaadha Deegaanada SSC Kadib Doorashadii Madaxwayne Siilaanyo afar Bilood ka hore.
 
 
Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle