Warbixin xaalada waxbarashada ee degmada Ceegaag Dugsiga Hoose dhexe ee Ceegaag.

 

(Ceegaag, October 20,  2010 Ceegaag Online)

 

Wararsiga Maamule Kuxigeenka Dugsiga Hoose Dhexe ee Magaalada Ceegaag Maxamuud Faarax Jaamac(Garaar)  Dhagayso


 
Maamule Kuxigeenka Dugsiga Hoose Dhexe ee Magaalada Ceegaag Maxamuud Faarax Jaamac(Garaar) ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay in Dugsigu Waxbarashadiisu haatan tahay Mid heer Wanaagsan maraysan isla markaana ardayda ay kala marayaan fasalada Koobaad ilaa afraad oo iskuulka Haatan Heerkaasi marayo, Waxana kaloo uu sheegay in ay jiraan dad farabadan oo ka faaiidaysta Waxbarashada oo u badan dadka Waa Wayn oo iyaga loo dhigo Galabtii, Waxana kaloo uu Maamulayashu intaasi Raaciyeen in haatan Dugsiyada ay ka bateen Aradyada doonaysa in Wax loo dhigo iska markaana ay ardaydu ku fadhiyaan Dhulka sibidhka ah Waxayna ugu baaqeen Jaaliyada Beesha Ceegaag inay Arimtaasi gacan lixaad leh ka gaysteen.
 
 
 
 
Gabi ahaanba Waxbaarshada Degmada Ceegaag ayaa haatan Gaadhay Halkii ugu saraysay Waxana Degmada Waxbarasheeda ka faaiidaysta Arday farabadan oo ka kala yimid deegaanada Hoos yimaada Magaalada Ceegaag Kuwaasi oo Degmada Ceegaag ka helay Waxbarasho tayeysan, Waalidiinta Ardaydaasi dhalay ayaana Mahad Celin u Jeediyey Dhamaan Qurba jooga Degmada Ceegaag oo hirgaliyey gabi ahaanba Dugsiyada Waxbaarshada ee Ceegaag, iyo Qaybaha kale ee dhinacyada Dhismaha Isbitaalka Ceegaag Dhisamayaasha Xarumaha lagu Barto Barashada Diinta Islaamka oo Ceegaag laga Hirgaliyey ugu yaraan 3 Malcaamadoo oo ku kala yaala Labada magaalada ee Ceegaag ka kooban tahay.
 
 
 
Waxayna Degmada Ceegaag Maanta ka hurumartay Degmooyin tuulooyin badan oo laga Hor dhisay Waxana Dadaalkaasi Xoogan Muujiyey Qurbaha Jooga Beesha Ceegaag oo Ilaahay Gacan ka helaya iyagoona dhaqaalohooda u huray Horumarka Degmada Ceegaag oo Maanta Tiigsanaysa Gobol.

 Daawo Sawirada

 

Cali dhagjar
Ceegaag.com
Ceegaag