Warbixin xaalada waxbarashada ee degmada Ceegaag Dugsiga Hoose dhexe ee Ceegaag Bari.

 

(Ceegaag, October 20,  2010 Ceegaag Online)

 

Wararsiga Maamulka Iskuulka Ceegaag Bari oo ah Magaalada Labaad ee Ceegaag kuyaala C/risaaq Maxamed Abdi(Black) Dhagayso

Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaa Booqasho ku tagtay Degmada Ceegaag Safarkaasi oo Shabakada Wararka Ceegaag.com ugu Kuur galaysay Xaalada Guud ee Nololeed ee Dhinacyada Waxbarashada Caafimaadka iibka Xoolaha iyo Ganacsiga oo Degmada Ceegaag Gaadhay 4 sano ee la soo gaadhay horumar Lixaad leh oo dhamaan dhinacyada horumarka Degmada Ceegaag Waxana degmada Ceegaag si xawli ah uga socda Waxbarashada Qaybaheeda kala Duwan oo gaadhay Halkii ugu saraysay Mudooyinkan.
 
 
Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaana Booqashadaasi ugu kuurgalaysay Horumarka Waxbarashada Waxay Warbixino iyo Warayso kala Yeelatay Maamulayaasha Xarumaha Dugsiga Waxbarashada ee Degmada Ceegaag iyadoona Deegaanka Ceegaag laga Hirgaliyey oo haatan Si Rasmi ah uga Howl galaan Labo Iskuul halka Macadka lagu Wado in dhawaan Xariga laga Jaro.

 

 Ugu Horayna Maamulka Iskuulka Ceegaag Bari oo ah Magaalada Labaad ee Ceegaag kuyaala C/risaaq Maxamed Abdi(Black) ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com Waydiisay inuu faah faahin Naga Siiyo Halka haatan Marayso Waxbaarshada Dugsiga Ceegaag Bari oo ah iskuulkii ugu horeeyey ee laga Hirgaliyo gabi ahaanba Deegaanka Ceegaag oo ay Dhiseen Qurba Joogta Beesha Degmadaasi, Waxana Maamulaha iskuulkaasi Sheegay inay haatan Waxbarashu  dugsiga Ceegaag Bari gaadhay Halkii ugu saraysay Waxana uu intaasi Raaciyey inay iskuulka haatan ay iska Diiwaan galiyaan Maalinkastaba dad farabadan oo ka kala yimaanaya Deegaanada Hoos deegaanka Ceegaag(Warbixintaasi oo dhamaystiran ka dhagayso Ceegaag.com.

Daawo Sawirada

 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Ceegaag