shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo Gaadhay Caawa Qorilay Ceegaag.com uga Waramaya Xaaladihii ugu danbeeyey ee Colaada Cagaare

(Boocame, October 07,  2010 Ceegaag Online)

Waraysiga Ugaas C/laahi Ciise Nuur Dhagayso

Degmada Boocame ee gobolka Sool Waxaa Saaka ka anba baxay Wafti Balaadhan oo Hogaaminayo Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo kamid ah Isimada gobolada SSC, Waxaana Socdaalka Ugaaska ku Wehelinaya Qaarkamid ah Xubnaha Golaha Cuqaasha ee Degmada Boocame Culumo awdiin iyo Madax kale oo Ugaaska Wafi uu Hogaaminayo kamid ah.

Ugaas C/laahi Ciise Nuur ayaa ku sii Jeeda Magaalada Qorilay Halkaasi oo lagu Wado Inuu Ugaasku kaga Qayb Galo Dhex Dhexaadita Colaada Labo Beeleed oo dhawaan Markale ku dagaalamay Deegaanka Cagaare oo katirsanm gobolada Sool iyo Mudug, Colaadaasi oo Noqotay Mid dabo Dheeraatay.

Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaana Ugaas C/laahi Ciise Nuur Caawa Taleefoonka Deegaanka Qorilay kula Xidhiidhtay Ceegaag.com ayaana Ugaaska Waydiisa Qaabka loo Wahayo Dhex Dhexaadinta Labadaasi Beeleed oo Halkaasi Wada Dega oo dhowr jeer oo hore Dagaalo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac dhexmaray.

Ugaasika ayaana Sidoo Kale Ceegaag.com uga  Waramaya Ergooyinka kale ee Halkaasi Gaadhay ee ka kala socda Dhinaca Maamulka Puntland iyo Isimada Gobolada Mudug iyo Nugaal Waxaana Ugaas C/laahi Ciise nuur ugu danbaytii ugu baaqay dhinacyada Beelaha Walaalaha ah inay ka shaqeeyaan Wax kastoo Lagu Gaadhi Karo Nabad iyo Hurumar.

Waraysiga Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo Dhamaystiran ka dhagayso WWW.Ceegaag.com

Cali dhagjar

Ceegaag.com

Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com