shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Tacshiirad lagu furay Waxgarad ka soo Jeeda Deegaanka Qorilugud oo gaadhay Deegaanka Kalshaale, si ay halkaasi uga aasaan deegaan laga Bilaabay

(Qorilugud, October 18,  2010 Ceegaag Online)

Tacshiirad Xoogan oo socotay Mudo ayaa maanta galinkii hore ka dhacday Deegaanka Baliga Kalshaale oo Dhinaca Waqooyiga kaga Beegan Magaalada Buuhoodle isla markaana Deegaan ahaan katirsan Gobolka Cayn, tacshiiradaasi ayaa Timid kadib Markii Waxgarad iyo Odayaal ka soo Jeeda Deegaanka Qorulud halkaasi dabceen inay tagaan Waxana tacshiirad Xoogan ku furay Dhalinyaro ka soo Jeeda Beel ahaan isla odayaashaasi oo Doonayey inay ka Aasan Deegaamay halkaasi laga Bilaabay oo Todobaadkaniba Muran Xoogani kataagnaa.
 
Waxana Odayaashaasi dib ugu laabteen Dhinaca Magaalada Qorulugud Waxana Odayashaasi Markiiba dalbadeen inay soo gaadhaan Ciidamo katirsan Maamulka somaliland iyo Waxgarad ka socday Magaalada Burco si loo aaso Deegaankaasi oo si Bilaa sharci ah Lagu Qoday, Waxan Dhinaca kale Deegaankaasi Maanta Gaadhay Cuqaal Culumo iyo Waxgarad badan oo saaka ka tagay Dhinaca Buuhoodle oo lagu Wado inay Maalinta Barito ah isku arkaan Dhinacyada kale ee lagu Wado inay Halkaasi Soo gaadhaan.
  
Xaaji Maxamuud Xaaji Cumar Camay oo kamid ah Waxgaradka Halkaasi Gaadhay oo Caawa Fiidkii dib ugu soo laabtay Buuhoodle ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay inay Xiisadu haatan degan tahay isla markaana Deegaankaasi lagu Wado in Maalinta Barito ah laga aaso Deegaanka Laga bilaabay, isla markaana barito dib ugu laabanayaa, Waxana kaloo Maxamuud Xaaji Cumar intaasi Raaciyey inay ka War dhowrayaan Maamulka somaliland iyo Waxgaradka Bariga Burco oo Balan ku Qaaday inay Deegaankaasi si nabad ku jirto u Aasayaan.

 

Cali Osman Yuusuf.
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com