shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Siminaar dheer oo loogu talo galay Xoojinta tayada macalimiinta ee dugsiyada Hoose Dhexe oo laga bilaabay Buuhoodle.

(Buuhoodle, October 12,  2010 Ceegaag Online)

Siminaar dheer oo loogu talo galay Xoojinta tayada macalimiinta ee dugsiyada Hoose Dhexe afka qalaadna lagu yidhaahdo (stragtanin for the campasity of teacher treaning) ayaa laga bilaabay magaalada Buuhoodle markii u horeesay.

Dugsiga sare ee samatar Baxnaan ee Magaalada Buuhoodle Waxa lagu Qabtay Xaflada balaadhan oo tababar loogu furayey Macalimiinta Waxa ka dhiga Dugsiyada Hoose Dhexe ee gobolka Cayn Tababarkaasi oo loogu talagalay in Kor loogu Qaato tayada Macalinka isla markaana lagu Xoojiyo Aqoonta macalinku uu leeyahay, si uu ardayda uu Macalinku Wax u dhigayo u Heli Waxbarasho tayeysan isla markaana Macalinka loo bararo Qaabka Wax ardayda loogu fahansiinayo, Waxana Munaasabadi ka soo Qayb galay Gudoomiyaha gobolka Cayn iyo Waxgarad kale.
 
Barmaamijkani Xoojinta Macalintii lagu tayeynayo ayaa loogu Magacdaray(SCot IPS) Waana barmaami somalia ka bilaabay sanadii 2006 oo horay looga Qabtay Gobolada puntland haatan soo gaadhay gobolka Cayn, barmaamjikaasina Xoojinta Macalimiinta ayaana soconaya Mudo labo sano ah Waxana Barmaamjikaasi fulinaysa Kuliyada tababarka Macalimiinta (GTec) ee Magaalada garoowe Waxana dhinaca dhaqaalaha ka taageeraysa ha,yaha kala ah Diakonia iyo save Childen ee Saldhiyada ku leh Magaalada Garoowe.
 
Maamulaha Kuliyada Tababarka Macalimiinta(GTEC) Profaysar C/risaaq Axmed shoole ayaana sharaxaad dheer ka Bixiyey tababarka Lagu Xoojinayo Macalimiinta Xiligii uu ka Bilaabay somalia iyo Waxyaabaha uu macalinku ka faaiidaysanayo tababarkaasi inta uu soconayo, Waxaana halkaasi uu ka soo Jeediyey Khudbad balaadhan oo tabarkaasi sharaxaad dheeraad ah kaga bixinayo.

Siminaarkan ayaa waxaa horay loogu qaban jiray magaalada Laascaanood balse hada loosoo wareejiyay magaalada Buuhoodle. Siminaarkan ayaa sidiisaba waxa uu yahay in lagusoo saaro macalimiin tayo ay ugu gudbiyaan ubadka soo koraya aqoontooda leh. Dhinaca kale Siminaarkan waxa uu socon doonaa mudo Labo sanadood ah markaasoo macalimiinta ka qayb qaadanasa lagudoon siin doono shahaadooyin ay dalka Soomaaliya gabi ahaan ba wax uga dhigi karaan.

Badanaa Macalimiinta ka qayb qaadanasa Siminaarkan ayaa waxa ku jira kuwo  horay uga soo qalin jabiyay Jaamacadii Lafoole oo tayadeeda wax barasho ay hayd mid aad u saraysa.

Gabo gabadiina Waxaa halkaasi hadalo ka soo Jeedinyey Gudoomiyaha gobolka Cayn Xariir Maxamuud Axmed Qaarkamid ah Waxgaradka Deegaanka Buuhoodle oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin Barmaamijkani Xoojinayo tayada Macalinka.

 

 

 Kalmadii Cabdinuur Maxamuud  Dhagayso

Kalmadii Cabdirisaaq Shoole  Dhagayso

Gudoomiyaha Gobolka Cayn Xariir Maxamuud Axmed Dhagayso

Kalmadii Maxamuud Cumar Cigaal   Dhagayso

 

 Kalmadii  Axmed Cabdi Guray  Dhagayso

Daawo Sawirada Macalimiinta siminaarka fadhiday

Cali Dhegjar

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com