shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii Nugaal University iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota (Daawo).

(Minneapolis, October 31,  2010 Ceegaag Online)

Shirka waxaa ka soo qayb galay dadyow badan oo ku kala nool gobalka Minnesota magaalooyinka uu ka kooban yahay. Prof. Abdirisaaq Mohamud Darawal oo mudo dheer macalim ka ahaa jaamacad ku taal Gobalka Atlanta George ee dalka Maraykanka. Koldhowna booqasho ku tagey Jaamacadda Nugaal ee gobalka Sool. Casharana ka soo bixiyey jaamacadda ayaa wuxuu ahaa isku dubaridaha iyo xidhiidhiyaha shirka.

U jeedada shirku wuxuu ahaa in la taageero jaamacadda Nugaal ee Laascaanood. Sidoo kale shirka waxaa lagu soo dhawaynayey Prof. Abdirizak Maxamed Aaden (Lafoole) oo ah gudoomiyaha jaamacadda Nugaal, isla markaana bare sare ka ha Kulliyadda Tababarka Macalimiinta Garowe (GTEC).

Ugu horayn, shirka waxaa wacdi iyo aayado quraan ah ku furey Sheikh A/qadir Cas Case oo dadka ku waaniyey inay taageeraan mashaariicda waxbarashada iyo horumarka meel kasta oo ay ka jiraan. Sheikh Case Case wuxuu khudbadiisa ku xusay inay dadka ugu khayr badan yihiin, kuwa isku baahaysta, wanaag inay ka wada shaqeeyaan, dadka dhexdiisa maslaxad inay dhigaan iyo sadaqada oo lagu bixiyo meelaha khayrka ah sida waxbarasahda.

Haji Ali Ahmed Geele oo ka mid ah odayada magaalada Minneapolis, isla markaana ah bare ka dhiga mid ka mid ah schoolada ku yaal magaalada Minneapolis ayaa halkaas ka soo jeediyey hadal kooban oo soo dhawayn ah. Haji Ali wuxuu halkaasku soo dhaweeyey dhammaan marti sharafkii ka soo qayb galay shirka. Sidoo kale wuxuu duco iyo mahadnaq u soo jeediyey A/risaaq Lafoole. Wuxuuna dad waynihii shirka ka soo qayb galay ku dhiiri geliyey inay taageeraan isla markaana waxqbad la taaban karo ka gaystaan jaamacadda Nugaal ee gobalka Sool.

Abdulqaadir Cadow oo ah aqoonyahan u shaqeeya xafiiska daryeelka ee dawladda maraykanka isla markaana ah siyaasi taageera xisbiga dimuqraadiga dawladda marayka ee talada wadanka haya. Ayaa halkaas ka soo jeediyey, hadalo dhaxalgal ah oo nuxurkoodu ahaa in waxbarashadu ay tahay tan keliya ee qofka jahliga ka xorayn karta horumar waarana u horseedi karta. Cadow, wuxuu dadwaynihii shirka ka soo qayb galay ku booriyey inay ka wada qayb qaataan taageerida jaamacadda Nugaal.

Dr. Saeed Fahiye oo ah director of Somali Confederation Community in Minnesota. Horeyna u ahaan jirey Associate Dean of college of education Lafoole. Ayaa ku dheeraaday faa’iidada waxbarashadu aadamaha u leedahay iyo siday mugdiga uga saarto. Dr. Fahiye waxuu xusay inay waajib ku tahay muwaadiniinta reer Minnesota inay ka qayb qaataan dib u dhiska dalkii hooyo ee burburay. Isla markaana wuxuu xusay in sida keliya ee dib loogu dhisaa karaa dalkii inay tahay in dadka wax la baro, lagana qayb hawl-galaa ku aadan tacabka iyo tayeynta tacliinta sare sida.

Prof. Abdirisaaq Lafoole, oo ahaa marti sharaf horey u ahaan jirey reer Minnesota balse sanadihii danbe u badnaa ka qayb qaadashada arimaha waxbarashada ee dalkii hooyo ayaa halkaas ka soo jeediyey, warbixin dheer oo taabanaysa dalka Somaliya oo dhan, gaar ahaan arimaha waxbarashada ee ka jira guud ahaan gobalka Sool. Mr. Lafoole, waxuu xusay in waxbarashadu tahay aaladda lagu bedalo qaab fekerka qofka bani’aadamka. Waxuuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyey doorka looga baahan yahay qurbajoogtu inay ka qaataan arimaha waxbarashada iyo tayeynta tacliinta sare.
Mohamed Hassan Mohamud (Abgaaloow) oo bare sare ka ah mid ka mid ah schoolada ku yaal Minneapolis ayaa ku dheeraaday inay reer Minnesota iyo jaaliyadda waajib ku tahay inay is garab taagaan isla markaana ka qayb qaataan arimaha waxbarashada, gaar ahaan arinkan maanta la isugu yimid ee ah taageeridda jaamacadda Nugaal ee gobalka Sool.

Dadwaynihii shirkaas isugu yimid waxay isku raaceen inay tiro arday ah ka bixin doonaan qarashka jaamacadda, si loo helo arday badan oo ku soo xidhanta jaamacadda waxna ka barato. Sidoo kale waxay isku raaceen inay sii wadi doonaan taageerada jaamacadda. Waxay sidoo kale Abdirisaaq Lafoole ka codsadeen inuu sanadkii mar booqasho ugu yimaado. Si uu ula socodsiiyo xaaladda waxbarasho ee ardayda iyo horumarka ay samaysay jaamacaddu sanad walba.
Ugu danbayn, waxaa madashii shirka soo gunaanaday, dadkiina ku booriyey una duceeyey Sheikh Sacad oo ah nin Minnesota ku can ku ah inuu ka shaqeeyo arimaha bulshada iyo nabadaynta dadka wada degan gobalka Minnesota iyo guud ahaan maraykan.

Xigasho: Boocame

webmaster@ceegaag.com