Shaqada Isbitaalka Degmada Ceegaag oo gaadhay Heer Wanaagsan oo shaqadu ka socoto Maalin Waliba

(Ceegaag, October 24,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo Mudo haatan laga Joogo 8 Bilood Jaaliyada Qurbaha Joogta Degmada Ceegaag Magaalada Ceegaag ka Hirgaliyeen Dhismaha Isbitaal oo loogu talagalay inuu dabool Baahiyada Adeega Caafimaadka ee Degmada Ceegaag iyo Guud ahaanba Deegaanka ayaa haatan shaqada Isbitaalka Ceegaag Waxay tahay Mid siwanaagsan Degmada Ceegaag uga Hirgashay oo shaqaalaha Caafimaadka ee Degmadaasi si Wanaagsan ugu guda Jiraan Waajibaadkooda shaqo iyo inay shacabka u adeegaan iyagoona Xilikasbata shaqaalaha Caafimaadku heegan ku jiro.
 
Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaana kormeer shaqo ku tagtay Isbitaalka Magaalada Ceegaag oo Xiligaasi shaqaalaha Caafimaadku ku jireen howlahooda shaqo oo isbitaalka ay ka Wadeen Waxana intii Shabakada Wararka Ceegaag.com ku jirtay Kormeerkeeda Isbitaalka soo gaadhay Dad farabadan oo Daawooyin ka Qaadanaya Isbitaalka Ceegaag si lacag la'aan ah oo Daawooyinkaasi lagu siinayo.
 
 
Shabakada Wararka Ceegaag.com oo Waydiisay shaqaalaha Caafimaadka Degmada Ceegaag halka ay ka heleen Daawooyinka isbitaalka ku shaqeeyo ayaa Masuuliyiinta Isbitaalku Waxay Ceegaag.com u sheegeen inay Daawooyinka ka helaan Wasaarada Caafimaadka ee Puntland iyo Isbitaalka Manhal ee kuyaala Magaalada Laascaanood, Waxayna Masuuliyiinta Caafimaadku intaasi Raaciyeen in Isbitaalku u baahan yahay shaybaar si Xanuunada loo Baadho batoorka iyo Talaagaha lagu Kaydiyo Qaybaha Daawooyinka Qaarkood (Waxan Kormeerkaasi kadib degmada Ceegaag ka dhacay kulan balaadhan oo looga hadlayo Xaalada Isbitaalka Degmada Ceegaag iyo Waxyaabaha u hirgalay intiii  la furay lasoco Qaybaha Wararkeena

Daawo Sawirada

Cali dhagjar
Ceegaag.com
Degmada Ceegaag.