shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shacabka reer Jariiban oo awood kala hor yimid qorshaha Dahsoon (Mashruuca) maamul gobeleedka Puntland ee Budhcad badeeda.

(Jariiban, October 11,  2010 Ceegaag Online)

Ilaa intii saaka weerarka lagala hor tagay Wasiirka dekadaha iyo gadiidka Badda Puntland Siciid Maxamad Raage iyo xubno ku weheliyey safarkiisa uu ugu socday magaalada dekada laga yagleelayo ee Garacad ayaa waxaa soo baxaya dhirbaaxada kulul ee lagu dhuftay qorshaha maamulka Puntland ka damacsanaa deegaanada gobolka Mudug.

Magaalada Garacad ayaa waxay saldhig  u tahay budhcadbadeeda iyada oo ay dhawaan tageen Culimo aad u badan oo dadka kasoo wacyi galiyay cawaaqib xumada Budhcad nimada waloow aysan wadaadadani la kulmin iska cabin uga timid dhinaca shuftada bedhcadbadeeda.

Iyadoo saaka weerar dhinacwalba ah oo laysaga soo ciidan saday dhamaan deegaanada Gobolka Mudug ayaa uu la kulmay  wasiir Siciid gacantana lagu dhigay iyada oo la la wareegay dhamaan qoryihii waa waynaa (Tikniko) ee uu watay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in loo dhiibay Odoyaal dhaqameedyada Gobolka madaama Isaga nool gacanta lagu dhigay, wareejinta wasiirka lagu wareejiyay odoyaal dhaqameed yada ayaa goobjoogayaal hada ku sugan Jariiban noo xaqiijiyeen inaysan kooxaha budhcad badeedu wax shaqo ah ku lahayn.

Dagaalkan oo dadka deegaanka iyo ilaalada wasiirku fooda isku dareen ayaa markii danbe lagu maquuniyay Wasiir Siciid agaga deegaanka Bur Saalax oo u dhaw magaalda Burtinle.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com