shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Reer Boston oo tageero Hiil iyo hoobaleh ku garab istaagay qorshaha iskuul ku kordhinta Rug Caafimaadka Dhexe ee Gaalkacayo(GMC)

(Boston, October 31,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa shalay Booqasho marlabaad isla bishan ku yimad magaalada Boston ee carigan maraykanka Dr. Cabdulqaadir Maxamed Jaamac(Dhagacade) oo olole balaadhan kawada dibada oo uu booqasho ugu soo baxay mudo bil ah si uu dhaqaale uga helo jaaliyada Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqan.

Dr. Cabdulqaadir ayaa xaflad aad u balaadhan oo dhaqaale ururin kala qayb galay jaaliyada reer Boston oo shalay ugu yaboohay  qorshaha iskuul ku kordhinta Rug Caafimaadka Dhexe ee Gaalkacayo.

Reer boston ayaa badhna bixiyay isla goobta qaybna bixinaya wiigaga inagu soo aadan, Aduunkan oo dhan $40,000.00 (Afartan kun oo doolar).

Dhaqalahan ayaa badanaa waxaa goobta ka dhirin dhiiriyay Sheekh Tawakal illaahay ajar haka siiyee. Sidoo kale waxaa hawsha dhaman dhabarka u ritay Haweenka reer Boston.

Xafladuna waxay u dhacday sidatan

Waxaa Xaflada Xidhiininyay Cabdulqaadir Hindi

Waxaa Xaflada Wacdi ku furay Sheekh Tawakal sidoo kale shiikha ayaa hirgaliyay uruurinta dhaqaalaha ee Goobta waxaana hadaladiisii kamid ahaa Dhagayso

Waxaa goobta lagu soo dhaweeyay mid kamida masuuliyiinta reer boston waa Ritoos hadladiisiina waxaa kamid ahaa Dhagayso

Sidoo kale waxaa goobta lagusoo dhaweeyay Midkamida Saraakiishii ciidanka qaranka kuwoodii aan dabbi dagaalka ka galin dalka Hooyo Korneel Carab Dhagayso

Waxaa iyana goobta ka hadashay Dr. Siraad Aadan waxayna ku nuuxnuuxsatay waynida rukanka haweenka ee qoyska Dhagayso

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay goobta nin marti ah oo Afrikaan ah dhaqaalana ugu deeqay Rugta ka dib markuu arkay Soomaalidii oo wax wada Qabsanasa Dhagayso

Waxaa Goobta kusoo dhaweeyay Dr. Dhegacade Dr. Dhagawayne waxaana hadaladiisii ka mida Dhagayso

Waxaa madasha shirka  la wareegay Dhakhtar Dhagacade waxaana haladaladiisii ka mid ahaa Dhagayso

Daawo Sawirada Goobta

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com