Raysalwasaaraha Dowlada KMG Soomaaliya Mudane Maxamed C/lahi Maxamed Farmaajo ayaa kooxaha dawlad diidka ah ee ka soo horjeeda dawlada Soomaaliya ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka ay ku halaakeenayaan umada Soomaaliyeed ee colaadu dagaaladu baabiisay.

 Raysalwasaare Farmaajo ayaa saxaafada hadal uu u marinayay kaaxaha ladagaalamaya dawlada Soomaaliya u  sheegay in wax xal ah aan lagu gaadhi karin qori caaradii ee loo baahan yahay in lawada hadlo, isagoo ugu baaqay kooxahaas in ay nabada qaataan, taana ay tahay mida kaliya ee dalka dhibaatada looga saari karo.



Raysalwasaaraha Cusub ayaa dhinaca kale amaanay Askrata Dowlada ee dagaalada kula jira kooha kasoo horjeeda, waxaana uu sheegay in howshiisa ugu horayso ay noqon doonto bixinta xaquuqda Ciidamada Dowlada.

Kooaxa kasoo hor jeeda dawlada ayaa u muuqda kuwo dhirbaaxooyin laxaadleh kasoo gaadhayaan dagaaladii ugu danbeeyay ee ay la galeen dawlada Soomaaliya oo ay garbinayaan ciidamo Burundi iyo Ugaandhees ahi.

Nabadan uu Raysalwasaare Farmaajo ku baaqay ayaa u muuqata in ay tahay ku tirtirsiin mucaaradka inay joojiyaan xalku raadinta Qumaca caaradiisa madaama ay u cadahay in aan lays muquunin karin ay haboon tahay in la heshiiyo waasida uu hadalka u dhigay e.

www.ceegaag.com