Waxaa goor dhaweyd xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya lagu soo gebagebeeyay munaasabad lagu dhaarinayay Maxamed C/laahi Maxamed Farmaaje, kaasoo ay ka soo qeyb galeen Madaxweyne Shiikh Shariif Gudoomiyaha Baarlamaanka, siin hayihii xilka Ra’isulwasaaranimo Md C/waaxid  Cilmi Goonjeex, Wasiirro hore, Xildhibaano iyo qeybaha Bulshada.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhaariyay Ra’isalwasaaraha cusub, Mudane Farmaajo oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa u mahad celiyay dhamaan intii gacan ka geysatay magacaabistiisa iyo ansaxintooda, isagoo balan qaaday inuu soo dhisi doona xukuumad horseeda is bedel, isla markaana wax ka qabata marxalada tagan.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Ra’isulwasaaraha looga fadhiyo inuu si dhaqsi ah ku  soo dhiso xukuumad tayo leh oo wax ka qabata xaalada dalka oo gacanta dawlada ku soo celiso deegaanada ka maqan.

“Ma jirto cid kaligeed wax qaban karta, waana in aan gacan siinaa Ra’isulwasaaraha si aan isbedel ugu horseedno dalka” ayuu yiri Md. Sheekh Shariif oo wajigiisa ay ka muuqatay farxad ka duwan labadii maalmod ee la soo dhaafay ka hor.
 

Sidoo kale waxaa muaasabadaasi ka hadal kooban ka jeediyay xilkii uu hayayna ku wareejiyay sii hayihii u dhabar adeegay xilka Ra’isulwasaaranimo Md. C/waaxid Cilmi Goonjeex oo sheegay inuu ku faraxsanyahay qabsoomida kulankan loo dhanyahay, isla markaana uu filiyay in uu mar uun xilkaasi ku wareejin doono Ra’isulwasaare si habsami leh loo soo doortay.

Xigasho:Somaliwayn

www.ceegaag.com