shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Labo Qof oo ku Dhimatay Tacshiirad ka Dhacday Magaalada Laandheer

(Laandheer, October 17,  2010 Ceegaag Online)

Ugu yaraan 2 Ruuxi ayaa ku dhintay Tacshiirad ka dhacday Magaalada Laandheer oo katirsan Degmada Danood ee Gobolka Wardheer ee Ismaamulka somalida Ethopia, tacshiiradaasi ayaa Timid kadib Markii Muran dhexmaray Dhalinyaro iyagu Deegaankaasi ku Wada sugnaa Waxana tacshiiradaasi ku dhintay Mid kamid ah Labo dhalinyaro ah oo Muran Dhexmaray, Waxana kaloo ku dhaawacmay Mid kamid ah dadkii kala Dhexgalay oo isaga Dhaawaciisa la keenay Magaalada Buuhoodle kadibna Geeriyooday.
 
Lama oga Waxyaabaha sababay Murankaasi dhaliyey tacshiirada Keentay Dhimashada mana jiraan Wax aano Qabiil ah oo Dhexmaray Labadaasi garab Waxana Deegaanka Laandheer ee Tacshiiradaasi nka dhacday Maamul ahaan gacanta ku haya Maamulka Degmada Danood Waxana kaloo Deegaankaasi ku sii Jeeda Waxgarad badan oo ka kala tagay Buuhoodle iyo Deegaano Kale.
 
Ugu Danbaytiina Culumada Waxgaradka Buuhoodle ayaa ugu baaqay Dhinacyadaasi Dhibaatadu Dhexmartay inay ka shaqeeyaan Guud ahaanba Nabadgaliyada Deegaanka iyo Xasiloonida iska markaana Dhibaatadaasi ka shaqeeyaan sidoo loo Dejin lahaa.
 
Cali Osman Yuusuf.
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com