Kulan Looga Hadlayo Xaalada Isbitaalka Ceegaag iyo Baahiyaha ka jira oo ka dhacay Isla Xarunta Isbitaalka ee Degmada Ceegaag

 

(Ceegaag, October 24,  2010 Ceegaag Online)

Qudbadii Sh Maxamuud Cabdi Jamac Gaydh Dhagayso

Qudbadii Axmed Iidle Nuur  Dhagayso

Qudbadii Caaqil Cabdi Jamac Gaydh Dhagayso

Xarunta Isbitaalka Degmada Ceegaag Waxa lagu Qabtay Kulan balaadhan oo looga hadlay Horumarinta Isbitaalka Guud ee Degmada Ceegaag iyo Waxyaabaha Isbitaalka Ceegaag u baahan yahay ee ka dhiman Waxana kulankaasi ka soo Qayb galay Dhamaan shaqaalaha Caafimaadka Degmada Ceegaag Cuqaasha Waxgaradka iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Degmada Ceegaag oo iyagu goobtaasi kulanka ah ka soo Qayb galay.
 
Ugu horayna Waxa halkaasi ka halay Caaqil Cabdi Jamac gadh oo kamid ah Cuqaasha Degmada Ceegaag Waxana Caaqiku uu Fariin hanbaliyo ah u diray dhamaan Jaaliyada Beesha Degmada Ceegaag oo iyagu dhisay Isbitaalka Degmada Ceegaag Waxana uu Caaqiku sheegay inay aad ugu mahad Celinayaan gabi ahaanba Qurbah joogta Degmada Ceegaag oo Horumar lixaad leh ka ciyaaray Horumarka Degmada Ceegaag Qaybaha Bulshada ee kala duwan.
 
Caaqilka ayaana sheegay in Isbitaalku haatan u shaqaynayo isla markaana loo baahan yahay Waxyaabaha ka dhiman Adeega Caafimaadka sida shaybaarka lagu baadho Noocyada kala Duwan ee Xanuunada si loo ogaado Qafka Xanuunka Qaba sariiraha lagu jiifiyo Bukaanka baroor loo daaro Isbitaalka Guud ee Degmada Ceegaag iyo dhamaystirka Isbitaalka oo Wali ka Muuqato Qabyo farabadan.
 
Waxana kaloo Halkaasi ka hadashay Waris ibraahi Raygal oo ah Madaxa Umulisada Degmada Ceegaag Waxayna Waris halkaasi ka sheegtay inay dhibaatooyin farabadan kala kulanto Xiliyada ay ku jiro inay Haweenka ka Umuliso oo kamid yihiin Dhiig bax farabadan Haweenka oo Qaarkood dhala imo dabo keen ah iyo Qaarkood oo dhiig la,aan iyo Daawo la,aan u dhinta Waxayna Waris Goobtaasi ka sheegtay in si deg deg ah loogu baahan yahay Qalabka umulisada oo dhamaystiran iyo gaari uu leeyahay Isbitaalka Ceegaag oo anbalac ah(Dhagayso Warbixinta Waris oo dhamaystiran).
 
Waxana Sidoo kale goobtaasi ka hadlay Axmed iidle oo kamid ah Shaqaalaha Isbitaalka Ceegaag Waxana uu goobtaasi ka sheegay intii uu furnaan Isbitaalka Ceegaag inay Daaweeyeen dad farabadan oo Bukaan ah isla markaana Isbitaalku u Baahan yahay Qalabyadii Isbitaalada oo dhamaystiran(Dhagayso Warbixinta Axmed IIDle oo kaga Hadlaya Waxyaabaha ay Qabteen intii Isbitaalku furenaa.

 
 
Kulankaasi ayaana Sidoo kale intii uu Socday Waxaa Hadalo ka soo Jeedinaya Dhamaan Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Reer Ceegaag oo Mahad Celin Balaadhan u jeediyey Jaaliyada Degmada Ceegaag oo iyagu Dhistay Isbitaalkaasi.

Daawo Sawirada

 

 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Ceegaag