shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda Shirkada Telesom Ee magaalada Laascaanood oo Dhirbaaxo Kulul ku dhufatay kooxda socotay magaalada Buhoodle ee kooxda Hilaal(Daawo+Sawiro)

(Laascaanood, October 12,  2010 Ceegaag Online)

Telesom                                                                           Hilaal

Ciyaar aad u xiisa badan ayaa galabta waxa ay dhex martay kooxda Shirkada Isgaadhsiinta Casriga TELESOM qaybteeda Laascaanood, iyo kooxda kasocotay magaalada Buhoodle oo magaceeda layiraahdo Hilaal, ciyaartan ayaa waxa ay ku dhamaatay 4-0 waxa ayna guushu ku raacday Kooxdii ka socotay Shirkada Isgaadhsiinta Telesom waxaana halkaas Buska raacay kooxdii Martida ahayd ee Hilaal.

Hadii aan faaqidno ciyaarta galabta dhacday, ciyaarta ayaa qaybteedii hore minute igu horeeyay waxaa gool aad u qurux badan laga dhaliyay, kooxdii Hilaal ka socotay ciyaarta ayaa waxa ay ku dhamaatay qaybtii hore iyada oo lagu kala joogo2-0, weerarkuna ku eekaa goolkaHilaal,iyaga oo waqtigii hore Tababaraha kooxda iyo Kabtankuba ku dhamaystay daqiiqad daqiiqad in ay ciyaartoyga u badalaan.

Ciyaarta markii la isku soo noqday,Qaybteedii labaad ayaa Hilaal waxa ay isku dayday sidii ay gool u dhalin lahayd weerar aad u xoog badana waa ay soo qaadayWaxayna heleen Rigoole Nasiiib daro kooxdiiHilaal oo Rigoolahaa dhashan wayday ayaa waxaa laga gaadhsiiyay laba gool oo is daba yaaca waxaana halkaas ku dhacay niyad jab soo waajahay kooxdii ka socotay Hilaal.

Hadaba mar aan shucuurtiisa wax ka waydiinay Kabtanka Kooxda Telesom Cabdirisaaq aydhka, waxa uu noo sheegay in uunan Cabir karin dareenkiisa waxa uuna sheegay in illaahay mahadii ay tahay, guushan aan soo hoynay waxaanan illaahay ka baryaynaa ciyaaraha kale ee inagu soo foolka leh inaan sidan oo kale aan ubadno

Dhinaca kale waxaa xusid mudnayd oo goob jooge ka ahaa Cabdiraxman axmed sayn Madax IIbka iyo suuqgaynta ahna hawl wadeenka Saad ervices Shirkada Isgaadhsiinta Telesom qaybteeda Laascaanood Mar aan isna dareenkiisa wax ka waydiinay ayaa waxa uu noo sheegay in kooxdani, sida aan illaahay uga rajaynayo noqota tan Degaanka Hogaaminaysa islamrkaasna an kufaraxsanahy ciyaarta macaan ee ay galabta kamuujisay

Sidoo kale waxa iyan Goobjoog ahaa qaarkamid ah masuuliyinta shirkada telesom islamarkaana ah hawlwadeenada shishirkada telesom Ingenerka Shirkada Telesom ee magaalada laascaanood Cabbdiraxmaan Maxed isna waxa kaloo goobjoog ka haa madaxa Bingka ee shirkada telesom Siciid hugur

Mahan markii uhoraysay ee kooxda kasocotay shirkada telesom ay wacdaro kamuujiso Garoonka cabdibile cabdi tasoo sababaysa kooxda oo hesha tababaro ad uwanaagsan.

 

Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com