shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Koox Hubaysan oo Dil u gaysatay Faarax Sanyare Xaaji Diiriye oo kamid ah Ganacsatada gobolka Cayn Magaalada Boosaaso ku dishay Marxuunka

(Boosaaso, October 01,  2010 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhay Magaalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga puntland ayaa ku soo Waramaya in gudaha magaalada Boosaaso lagu Dilay Marxuun faarax sanyare Xaaji Diiriyey oo kamid ah Ganacstada gobolka Cayn isla markaana goob ganacsi ku haystay Gudaha magaalada Boosaaso sanadihii la soo dhaafay.
 
Dilka Marxuun Faarax sanyare Xaaji Diiriye ayaa Waxa dilay Koox hubaysan oo iyagu soo Xidhay Wajiga lama garanayo sababaha dilkaasi Marxuunku ku salaysnaa ee Kooxdaasi Weerarka ugu Qaadeen, Waxa dilkaasi siwayn u Canbaareeyey dhamaan ganacstada ka soo Jeeda gobolada SSC ee Magaalada Boosaaso ku dhaqan oo ku dilmaamay Dilkaasi Mid Naxariisdaro ah.
 
Dhinaca Kale Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaa maanta Waxa tacsi soo gaadhsiiyey Suldaan Siciid Cismaan Ali oo kamid ah Isimada Gobolada SSC Waxaana uu Suldaanku Tacsi u diray dhamaan Eheladii iyo Qaraabadii uu ka Geeriyooday Marxuun Faaraxa sanyare Xaaji Diiriye, oo Koox hubaysani ku dileen Magaalada Boosaaso.
 
Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

 

 


webmaster@ceegaag.com