shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Isimada Cuqaasha, Culumada Buuhoodle oo Saaka  u ambabaxay Nabadaynta Xiisada Cagaare....

(Buuhoodle, October 07,  2010 Ceegaag Online)

Warka oo uu Akhrinayo Wariye Cali Dhegjar  Dhagayso

Magaalada Buuhoodle Waxa saaka ka anba Baxay Wafti Balaadhan oo Hogaaminayo Garaad C/laahi Garaaad Soofe oo kamid yihiin Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Garaad Saleebaan Buraale aadan oo kamid ah Isimada Deegaanka Buuhoodle, Waxana kaloo safarka Isimada ku Wehelinaya Qaarkamid ah Xubnaha golaha Cuqaasha Deegaanka Buuhoodle iyo Culumada Deegaanka oo iyagu saaka ka tagay gudaha magaalada Buuhoodle.

Safarka Waftigaasi ayaa ku sii Jeeda Magaalada Cagaare Waxana lagu Wadaa inay Isimada Culumada aqoonyahiinta gobolada SSC ka hor isku sii arkaan Magaalada Qorilay halkaasi oo lagu Wado in laga Bilaabo Dhex dhexaadinta Colaada labada Beeleed oo Walaalaha ah oo Dhowr Jeer  oo hore Dagaal deegaankaasi ku Dhexmaray.

Colaadaasina ayaana Soo noqotay Dhowr Jeer oo Hore oo labadaasi Beeleed Heshiis la dhex dhigay mana jiraan Wax Heshiis ah oo ka Hirgalay Heshiisiinta labadaasi Beeleed ee ka soo kala Jeeda gobolada Mudug iyo Sool, Waxase haatan Muuqda dadaal Xoogan oo ay Wadaa Isimada labada garab iyo Maamulada.

Cali dhagjar

Ceegaag.com

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com