shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ilaahay Hortiis u Caawi Ibraahin C/xakiin C/laahi Warsame

(Buuhoodle, October 29,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Xamar Lagu Xidh Waxaa Mudhan 15 Sanadood ku Xanuunsanaya Ibraahin Cabdi Xakiin C/Laahi Warsame oo Mudadaasi ku Xanuunsanaya Magaalada Xamar Lagu Xidh Wiilkaasi oo ka dhashay Qoys danyar ah oo aan Waxba Haysan degana Magaalada Xamar Lagu Xidh.
 
Aabaha Wiilkaasi Dhalay ayaa Shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay in Wiilkaasi Muda intaasi Leeg ka Xanuunsanaya Wiilkaasi oo Xanuunkiisa laga Hayo Madaxa Isla markaana Dhulka isla Dhacayo iyo Gidaarada Guriga oo aanu Fadhiisanay isla aanay ka soo Baxay Wax hadal ah gab ahaantiisa isagoona Ilmahaasi yar Xiliyada Qaarkoodna Is Cunayo Jirkiisa.
 
Aabaha Dhalay Wiilkaasi C/xakiim Cabdi Laahi Warsame ayaa ka Codsanaya Dhamaan Umada Islaamka ah inay Gacan ka siiyaan ilmahaasi yar si dhakhtar Dibada ah loogu Qaado oo Mudadasaai intaasi leeg ka Xanuunsanayey(Fadlan Ilaahay Hortiis u Caawi Wiilkaasi yar ee Dhibaataysan.
 

Kala Xirii Talefoonada kala ah 0025224986098 C/xakiim C/laahi Warsame oo ah Aabaha Dhalay Wiilkaasi.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com