shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Heshiis hor dhac ah oo laga gaadhay Colaadii Cagaare Maanta (Ugaas Cabdilaahi Afhayeenka  SSC)

(Cagaare, October 12,  2010 Ceegaag Online)

Warmurtiyeedka Isimada SSC oo uu nooga warmayo Afhayeenkooda Ugaas Cabdilaahi Dhagayso

Kadib Markii todobaadkii hore Isimada Cuqaasha, Waxgaradka Gobolada SSC Gaadheen Magaalada Qorilay halkaasi dagaal mar kale ku dhexmaray Deegaanka Cagaare ayaa haatan Waxaa soo baxay Heshiis hordhac ah oo Colaadaasi laga Gaadhay, heshiiskaasi oo ku aadan Xabad Joojin la kala Dhex dhigay Beelihii halkaasi ku dagaalamay iyo in Ciidamadii gabi ahaanba la kala Raray.
 
Heshiiskaasi Hordhac ah ayaana Maanta Waxaa ogolaatay Beesha baharsame oo kamid ah labada beeleed ee dagaalku dhexmaray Mid ahaan, Waxaana Heshiiskaasi ku Guulaystay Isimadii ka kala tagay Magaalooyinka Buuhoodle  Boocame iyo Deegaano kale.
 
Heshiiskaasina ayaa Maanta Waxaa saxaafada u akhriyey Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo kamid ah Isimada halkaasi ku sugan isla markaana ah afhayeenka Isimada gobolada SSC, ugaaska ayaana Ceegaag.com u sharaxay Heshiiskaasi Waxyaabaha uu ku saab sanaa.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com