shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Garaad Cali Buraale oo Ceegaag.com uga Waramaya Shirka ka socda Magaalada Dharkangeeyo iyo Waxyaabaha looga hadlayo

(Dharkayn-geeyo, October 04,  2010 Ceegaag Online)

Waraysiga Garaad Cali Buraale Dhagayso

Iyadoo Maalmahani Magaalada Dharkangeeyo oo dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada laascaanood uu shir uga Socday Beesha C/garaad (Qayaad) oo kamid ah Beelaha degan gobolada SSC ayaanu si aanu Shirkaasi faah faahin dheeraad ah uga Helno Taleefoonka Magaalada dharkangeeyo ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com Kula Xiriirtay Garaad Cali Buraale oo ah Isimka Beesha Cabdi Garaad oo isagu shirkaasi Madaxka ah.
 
Ceegaag.com ayaana Garaad Cali Buraale Waydiisay inuu faah faahin ka Bixiyo Waxyaabaha Keenay in Beesha Cabdi Garaad haatan shir Isugu timaado Magaalada Dharkangeeyo? Garaad Cali Buraale ayaana Ceegaag.com ugu jawaabay in shirkani Beeshu Waxyaabo badan kaga hadlayso oo kamid ah Ciidamada Maamulka somaliland ee ku sugan Deegaanada SSC.
 
Garaad Cali Buraale ayaana Waraysi dheer oo shirkaasi kaga Waramayo Siiyey shabakada Wararka Ceegaag.com isagoona sharaxaad dheer ka Bixiyey Waxyaabaha laga filankaro in shirkaasi laga soo saaro Xiliga lagu Wado inuu soo Xidhmo, Waraysigaasi oo dhamaystiran Ceegaag.com ka dhagayso
 
Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle


webmaster@ceegaag.com