shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fanaanada Saado Cali oo booqatay dukaamo lagu dilay soomaali dalka S/Afrika

(Cape Town, October 06,  2010 Ceegaag Online)

Fananada Qaranka Soomaaliyeed Saado Cali Warsame ayaa maanta booqatay tuulooyin ay degan yihiin ganacsato Soomaaliyeed dalka K/Africa.

Intii ay booqashada ku jirtay fanaanada ayaa waxay gaartay tuulooyin ay ka mid yihiin Khayalisha oo horey loogu laayay Soomaali farabadan iyo tuulada Langa oo ku taalla duleedka magaalada Cape Town.
Sidoo kale Saado waxey la kulantay ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan tuulooyinka ay booqatay, waxayna Saxaafada u sheegtay inay walalaheeda Soomaaliyeed ay jeceshahay ayna la qeybsaneyso dhibaatooyinka.

Waxay ku guubaabisay inay isku duubnaadaan, sameystaana guddiyo dowladda K/Africa kala hadla arimaha Soomaalida si wax loogu qabto dhibaatooyinka u badan dilalka lagu hayo Soomaalida ganacsiga ku leh tuulooyinka.

Dalka K/Africa ayaa horey u soo gaarey wafuud iyo madax ka socota Dowladda Soomaaliya balse majiraan Saado ka hor kuwa booqday tuulooyinka iyo meelaha khatarta ah oo horey loogu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed.


Xigasho:Calanka


 www.ceegaag.com
 


webmaster@ceegaag.com