shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dugsiga Hoose dhexe ee god'aalo ayaa maanta si rasmi ah Xadhiga oga jaray Wasiiro iyo Isimada Deegaanka oo ka hadlay

(Goda'ala, October 10,  2010 Ceegaag Online)

Iskuulkan waxaa hirgaliyay qurbajoogta beesha wacays maxamud (cumar wacays)

Munaasibad balaadhan oo loo qabtay furitaanka iskuulka hoose dhexe ee Goda'alo ayaa Waxaa ka soo qayb galay Wafuud badan oo ay kamid yihiin wasiirka madaxtooyada iyo maamul wanaaga puntland maxamed Faarax Ciise (Gaashaan), Kusimaha wasiirka wasaarada waxbarashada ahna wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada puntland Cabdiraxmaan diiriye Carab, Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee golaha wakiilada puntland xildhibaan Faarax jaamac Goox.



 

Dugsigan Godaalo ayaa si rasmi ah waxaa xadhiga uga jaray kusimaha Wasiirka Wasaarada waxbarashada Puntland ahna wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada,

 

Ugu horeyntii Waxaa ka hadlay Xaflada Furitaanka Schoolka God'aalo Maamulaha Schoolka, Wuxuuna umahadceliyay Hayada usuura galisay dhismaha Schoolka God'aalo iyo wufuudii Balaadhnayd ee ka soo qaybgashay Xaflada God'aalo School, wuxuuna balan qaaday inay soo saari doonaan arday tayo sare leh oo waxbarasho leh.
 

Sidoo kale waxaa ka hadlay Gudoomiyaha God'aalo iyo Walidiinta god'aalo oo ku tilmaamay furitaanka dugsiga hoose dhexe  mid Taariikhiya ayna abaal ugu hayaan Hayada IRFAN CANADA,iyagoo ka codsaday Dawlada Puntland in Taageeradooda ay labanlaabaan,
 

Dhanka kale waxaa ka hadlay Siciid cabdi ducaale(Siciid Elji) oo ku hadlayay Magaca Qurba jooga God'aalo iyo hayada IRFAN CANADA,ayaa waxaa sheegay in aad ugu faraxsanyahay in ay maanta ay yeelatay God'aalo School Tayadiisu sareyso,wuxuuna aad ugu mahadnaqay Siday Dadka deegaanku gacan oga siyeen Hir galinta schoolka.
 

Gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka sool maxamuud jaamac dalmar (Ina Baadari) oo  ka warbixiyay marxaladihii kala duwanaa iyo dadaalo badan oo ay sameeyeen si maruun loo furo iskuulkan aysan suuro gelin,Balse uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu maanta ka qayb qaato Furitaankan Schoolka God'aalo.
 

Waxaa isna dhankiisa ka hadlay Kusimaha wasiirka waxbarashada ahna wasiirku xigeenka wasaarada Waxbarashada puntland Md:Cabdiraxmaan Diiriye Carab,  oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin in ay ka soo qayb galaan Schoolka Laga furay  god’aalo isagoo Sheegay in aysan waxba ka hagran doonin,

 

Waxaa kale oo uu ku waniyay Shacabka God’aalo inay waxbarsahda dugsiga hoose dhexe ee maanta loo furay Ay ku dadalaan Sidii ay u kafaalo qaadan lahayeen Macalimiinta Ardayda wax udhigaysa, wuxuuna ku booriyay in jaaliyadaha God’aalo ay ka qayb qaataan wax kasta oo lagu horumarinayo God’aalo,isagoo ku boorinaya Jaliyada God’aalo wasiirku xigeenku ayaa waxaa uu yiri “ Reer godaalow Wasaarada waxbarashada Puntland waxa ay Qaban karto waa wax xadidan,waxaa masuuliyada uweyn laga rabo Waa qurba joogto u dhalatay god'aalo iyo dadka Deegaankaba".

 

Wasiirka madaxtooyada iyo dawlad wanaaga puntland md:Maxamed Faarax Ciise (gashaan),isagoo Sheegay in god'aalo ay ubaahneyd School Tayadiisu sarayso,aadna ugu faraxsanyahay in uu maanta Goobjoog ka ahaado Schoolka God'aalo oo xadhiga laga jarayo,dhanka kale waxaa uu balan qaaday in ay wax la qaban doonaan Inta Karaamkoodu yahay.
 

Gaba gabadiina waxaa  Soo xidhay Xafladii Garaad Cabdisalaan Xasan maxamed isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in qurba joogta deegaanada God’aalo ay ku dadaalaan horumarka dalkooda,Isagoo maamulka Puntland uu ka codsaday In ay God'aalo in ay ka cawiyaan Cafimaadka,waxbarashada,biyaha iyo Wadooyinka dayactir lagu sameeyo.

Daawo Sawirada

 

 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com