shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhakhaatiir u dhashay Wadanka Kenya oo Baadhitaano Caafimaad ku soo Gabo Gabeeyey Buuhoodle

(Buuhoodle, October 02,  2010 Ceegaag Online)

Koox dhakhaatiir ah oo u dhashay Wadanka Kenya oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku suganaa Magaalada Buuhoodle ayaa soo gabo gabeeyey Baadhitaano Caafimaad oo ka bilaabeen magaalada Buuhoodle iyagoona dhakhaatiirtaasi kulamo la Qaatay Dad farabadan oo Shacab ah oo ka Cabanaya Xanuuno kala Duwan oo kunoolaa Gudaha Magaalada Buuhoodle iyo Degmooyinka, kana soo kacaya deegaano kala Duwan.
 
Dhakhaatiirtaasi ayaana ka koobnaa labo dhakhtar oo Mid kamid ahi Haweenay Tahay ku Xeel dheer Baadhitaanka Haweenka Xanuunada kala Duwan ee Dumarka soo wajaha, halka dhakhtarka kale  uu isago lagu Magacaabi jiray Dr Jamal oo isagu ahaa Dr Daaweeya Cudurada Guud ee ku dhaca raga iyo Dumarka.
 
Dhakhaatiitan ayaa Keenay Magaalada Buuhoodle Qalab Casri ah oo lagu Baadho Noocyada Xanuunada kala Duwan Waxayna intii gobolka ku sugaayeen ay Baadhitaano Caafimaad ku sameyeen ugu yaraan 500 00 Ruuxi oo Qabana Xanuuno kala duwan oo lagu sameeyey Baadhitaan Caafimaad iyo Shaybaar Casri ah.
 
 
Dhakaatiitani ayaa ka soo degay Magaalada Gaalkacyo Waxana Buuhoodle Keenay Qaarkamid ah Ganacsatada ka shaqeeya Keenista Daawooyina somalia oo iyagu ka soo Jeeda Deegaanka Buuhoodle Waxayna dhakhaatiirtaasi dib ugu laabteen haatan Magaalada Gaalkacyo oo lagu Wado inay uga dhoofaan dhinaca Wadanka Kenya, Imaanshiiyaha dhakhaatiirtani ayaa siwayn looga soo dhaweeyey gabi ahaanba deegaanka Buuhoodle.....
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

 


webmaster@ceegaag.com