Wararka Naga soo gaadhay Magaalada Laandheer oo katirsan Degmada Danood ee Gobolkaasi Wardheer ayaa ku soo Waramaya in Masho Dhawaan Halkaasi ka dhacday Gabi ahaanteeda Lagu Guulaystay in la soo afjaro, kadib Markii Gacanta Lagu soo Dhigay Ninkii ka Fuliyey Dil Dhawaan Halkaasi ka dhacay Deegaanka Laandheer oo Gacanta loo galiyey Ardaagii kale ee Dhibku soo Gaadhay, kadibna Ninkaasi lagu Siidaayey Meel fagaaro ah oo kamid ah Magaalada Laandheer kadib Markii Cafis loo Fidiyey oo Xariga ka jareen Ardaagii uu Dhibku soo gaadhay.
 
Waxaana Manshaqadaasi oo Afjaray Waxgarad labada Dhinaca oo ka kala tagay Magaalada Buuhoodle iyo Deegaano Badan oo katirsan Deegaanka Hawdka Sare Waxna Xiisadaasi ku soo Dhamaatay Jawi Wanaag san oo ay Gaadheen Waxgaradka Labada Dhinaca kadib Wadahadalo Dheer oo ka dhacay Magaalada Laandher.
 
 
 Sidaasina Waxaa Caawa Shabakada Wararka Ceegaag.com u Sheegay Garaad Saleebaan Buraale Adan Waxana uu Garaadku Intaasi Raaciyey in Maalinta sabtida lagu Wado in loo balamo Qaabkii loo kala Qaadan lahaa Duunyada, Garaadka ayaana intaasi Raaciyey inay soo dhawaynayaa Talaabadan ay Gaadheen Waxgaradka Labada Dhinac isla markaana Hanbaliyo u Dirayaan Waxgaradkaasi iyo Beelaha Walaalaha ahba.
 
 
Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle