shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Daawo Soo Dhawayntii Garaad Abshir Saalax ee Magaalada WidhWidh

(Widhwidh, November 01,  2010 Ceegaag Online)

 

Degmada Widh Widh Waxaa Soo gaadhay Garaad Abshir Saalax oo kamid ah Isimada Deegaanada SSC Waxana Garaad Abshir Salaax Magaalada Widh Widh ku soo dhaweeyey oo soo Dhawayn Balaadhan u sameeyey Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Magaalada Widh Widh ka kooban tahay Gaar ahaan Ururada Haweenka dhalinyarada Ardayda iyo Waxgaradka Degmada Widh Widh oo Garaad Abshi Salaaxa uga hortagay Meel ka fog Magaalada Widh Widh.
 
 
Garaad Abshir Saalax ayaana ka soo degtay Gaadhigii uu la socday Waxana halkaasi uu salaamay Dhamaan dadwaynihii Garaad Abshir Saalax soo Dhaweeyey oo Garaadku aad mahad Celin Balaadhan halkaasi uga Jeediyey Waxan Garaadka loo Gal Biyey Gurigii loogu talagalay, iyadoona aanay jiri Wax Mudaharaad ah oo Garaadka lagu sameeyey Wararkasina yihiin kuwa Been ah oo xaqiida ka fog sida aan arkaysaan soo dhawaynta Garaadka loo sameeyey
 
Safarka Garaad Abshir Saalax ee Magaalada Widh Widh ayaa la Xiriira inuu Halkaasi kulam kula Yeesho Waxgaradka Beesha Guuleed Garaad (Barkad) Waxna kaloo halkaasi lagu Wadaa inuu shir kaga Qayb galo Maamulka somaliland Beesha ku Dhexmaro Doona.
 
Waxaan Warbixinta Shabakada Wararka Ceegaag.com soo gaadhsiiyey Maxamed Geel jire oo ah Saxafi Madaxbaan oo Jooga Widh Widh.
 

webmaster@ceegaag.com