shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cuqaasha iyo Waxgaradka Beesha Guuleed Garaad Barkad oo ka hadlay Ciimada iyo Hubka la sheegay in Beeshu ku Wareejisay Maamulka Somaliland

(Balicad, October 06,  2010 Ceegaag Online)

Waraysiga Taliyaha Ciidamada Beesha Barkad Jaamac Aadan Cas Dahagayso

Waraysiga Caaqil Axmed Saalax Maxamed Dahagayso

Waraysiga Oday Xaaji Axmed Xaaji Maxamuud Mire Dahagayso

Kadib Markii Todobaadkani Qaarkamid ah Warbaahinta SSC Lagu daabacay in Ciidmadii iyo Hubkii Beesha Guuleed Garaad Barkad lagu Wareejiyey Maamulka Somaliland ayaa dhinaca kale Shabakada Wararka Ceegaag.com Warqabadka Buuhoodle Waxaa soo gaadhay  Cabashooyin Xoogan oo ka imaanaya Cuqaasha Waxgaradka, Dhaliyada iyo Qaybaha kala Duwan ee Beesha Guuleed Garaad Barkad oo iyagu Warkaasi si Kulul u Canbaareeye, kuna tilmaamay Warar la Doonayo in lagu kala dilo Gudaha Beesha Guuleed Garaad Barkad.
 
Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaa Maanta Waxa Khadka Taleefoonka Magaalad Balicad kula soo Xidhiidhay Xubnaha Golaha Cuqaasha iyo Qaarkamid ah Waxgaradka Beesha Guuleed garaad Barkad oo iyagu ka Cabanaya Wararkaasi lagu Daabacay Qaarkamid ah Warbaahinta SSC, Waxaana Cuqaashaasi si kulul Wararkaasi igu tilmaameen Warar ka Fog Xaqiida oo gabi ahaanaba aanay jirin in Ciidamadii iyo Hubkii Beesha Lagu Wareejiyey Maamulka Somaliland, isla marlaanay aanay Dhici dooni in Maamulkaasi lagu Wareejiyo wax Hub ah oo beeshu leedahay.  Sidaasi Waxaa Ceegaag.com u sheegay Caaqil Axmed Saalax Maxamed.
 
Cuqaasha iyo Waxgaradka Beesha Guuleed Garaad Barkad ayaana ugu baaqay dhamaan Qurba jooga Beesha Barkad in Wararkaasi yihiin kuwo ka Fog Xaqiida oo la doonayo in Khilaaf lagu kala dhex abuuro Gudaha Beesha Guuleed Garaad Barkad Waxayna ugu baaqeen Kooxaha Wararkaasi Ku Daabacay Websedyada inay ka Fiirsadaan hadii kale talaabo laga Qaadi Doono.
 
Waraysiyada Xubnahaasi katirsan Cuqaasha iyo Waxgaradka Beesha Guuleed Garaad Barkad ee la Soo Xidhiidhay Shabakada Wararka Ceegaag.com ka dhagayso kana Bogo xaga Sare.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle


 


webmaster@ceegaag.com