shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cuqaal Waxgarad Ka soo Jeeda Gobolka Sool oo ka Hadlay Gaadiid 12 Bilood lagu haystio Magaalada Burco si shaci daro ah, isla markaana Fariin u diray Maamulka Madaxwayne Siilaanyo

(Laascaanood, October 16,  2010 Ceegaag Online)

Waraysiga Caaqil Cali Xirsi Jaamac    Dhagayso

Magaalada Laascaanood Waxa Maanta Shir balaadhan ku yeeshay Qaarkamid ah Cuqaasha Waxgaradka, Ganacstada oo kamid ah Beelaha Dega Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolkaasi Sool, Kulankaasi ayaa ku saabsanaa Gaadiid iyo hanti badan oo laga leeyahay Gobolka Sool oo lagu haysto Magaalada Burco oo gacanta ugu jiraan Qaarkamid ah Beelaha gobolkaasi Degan mudo 12 Bilood.
 
 
Gaadiidkan  Lagu Haysto Magaalada Burco ayaa gaadhaya ugu yaraan afar gaadhi oo laga leeyahay Magaalada Laascaanood Waxana Gaadiidkaasi loo Qabsaday ugu yaraan afar kale oo Dib loogu Celiyey Magaalada Burco Beelihii iska lahaa, balse aanay Keeni Gaadiidkii laga lahaa dhinaca Gobolka Sool ilaa Wakhtigaasi, Waxana taasi sababtay inay arimahaasi aad ugua Cadhoodaan Waxgaradka ka soo Jeeda gobolka sool iyo Mulkiilayaasha Gaadiidkaasi oo Maanta Shir ku yeeshay laascaanood.
 
 
Waxayna ugu danbaytii Baaq u Direen Maamulka Somaliland oo ugu baaqeen inay Gaadiidkaasi ka raadiyaan Beelaha gacanta ku haysta ee ka soo Jeeda gobolka Sool Waxana Kulankaasi Waxgaradka gobolka Sool Laascaanood ku yeesheen kadib Shabakada Wararka Ceegaag.com talefoonka kula Xiriirta Caaqil Cali Xirsi Jaamac oo Sharaad Dheer ka Bixiyey sabaha Gaadiidkaasi loogu haysto Magaalada Burco ee Xarunta Gobolkaasi Togdheer.
 
 
 
Cali Osman Yuusuf.
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com