shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamo Ethopian ah oo 5 Ruuxi ka taxaabay Tuulada Xarfo oo katirsan Gobolka Mudug

(Xarfo, October 29,  2010 Ceegaag Online)

Wararka Laga Helayo Deegaanka Xarfo oo katirsan Gobolkaasi Mudug ayaa ku soo Waramaya in Deegaankaasi Ciidamo Ethopia ah Deegaankaasi Xarfo ka taxaabeen Ugu yaraan 5 Ruuxi oo kamid ah Dadka Deegaanka Tuulada Xarfo oo Dhinaca Itoobiya ka saara Xadka gobolkaasi Mudug, Ka taxaabisya Raggaasi ayaa Timid kadib Markii Tuulada Xarfo Ciidamada Ethopian ka ahi Dejiyeen Calanka Somalia oo Halkaasi laga taagay kadibna Calankaasi Ciimada Ethopian ka ahi Horay u sii Qaateen iyo Waliba 5 kamid ah Dadka Deegaanka Tuulada Xarfo.
 
Wararka laga helayo Deegaankaasi oo Heshay Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaa intaasi ku Daraya in Calankaasi iyo Raggaasi Ciidamada Ethopian ka ahi ka Xaysteen ka danbaysay Kadib Markii Ciidamada Ethopian ka ahi sheegteen in Tuulada Xarfo katirsan tahay Degmada Bookh ee Gobolkaasi Wardheer ayna Calankaasi si khaldan Looga taagay Tuulada Xarfo, isla Markaana Raggani Ciidamada Ethopian ka ahi ka Xaysteen lagu eedeeyey inay kamid ahaayeen Masuuliyiinta Deegaanka ee iyagu Calanka taagay.
 
 
Maamulka Tuulada Xarfo Waxgaradka iyo Qaybaha kala Duwan ee Waxgaradka Deegaanka oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Tuulada Xarfo katirsan tahay Gobolka Mudug isla markaana Laamiga u jirto 18 KM oo Kaliya Waxayna Maamulka Degmada Bookh ugu baaqeen inay Raggaasi dib Deegaanka ugu soo Celiyaan, iyagoona dib Tuulada Xarfo looga taagay Calanka Somalia.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com