shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Abshir Bacadle oo ahaa Abwaan Soomaaliyeed, ayaa ku geeriyooday magalada Muqdisho, isaga oo u dhiman wax nabar ah balse u timid tii Rabbi.

(Muqdisho, October 10,  2010 Ceegaag Online)


Abshir Nuur Farax (Bacadle) ayaa sida la sheegay ku dhashay magalada Mastaxiil ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia, waxuu kadib u soo gudbay asaga oo yar magaalada Muqdisho isagoona durba bilabay wax barashadiisa aas-aasiga aheyd.

Sida magaciisa ka muuqata, Waxa uu bilaabay ganacsiga isagoona furtay bacadlayaal lagu iibiyo dharka nuucyadiisa kala duwan.

Abwaanka waxuu bilaabay suugaanta gabayada, waxuuna si weyn u soo shaac baxay xiligii Sideetamaadkii isaga oo tiriyay gabayo badan oo ka hadlayay arimaha bulshada, waxaana si gaar ah gabayadiisa looga xusi karaa gabaygii Xijaabka Dumarka islaamka ah ka hadlayay iyo waliba Gabaygi kale ee Jaadka isna ka hadlayay.

Sido kale Abshar Bacadle ayaa mar kale ka soo dhax muuqday fagarayaasha xiligii Maxkamadaha la wareegeen awooda Magalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah bartamaha iyo kofurta Soomaaliya, isaga oo u tirayay Gabayo uu ku taageerayay Midowgi Maxkamadaha Islaamka.

Abwaan Bacadle ayaa mudadii u dambeysay dareemay in ay soo dhawaatay geeridiisa isago ka tiriyay gabay aad ka dhadhansan karto in uu abwaanka dareemay in uu ku jiro xiliga arbaciinkiisa.

Abshir Bacadle Allaha u naxariisto waxa uu ahaa Abwaan wadani ah waligiisna ka bixin dalka, waxuuna maalmihii danbe ku mashquulsanaay arimaha samafalka isaga oo ka ciyaaray kaalin weyn oo muuqato, waxuuna si weyn u caawinaayay dadka Soomaaliya ee ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya.

Anaga oo ah bahda Ceegaag waxaan tacsi u diranaa dhamaan qoyskii iyo qaraabadii Marxuum Abshir Nuur Farax isagana waxaan ilaahay uga baryanaa inuu janadii ka waraabiyo AAMMIIIINN.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com