shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Halyay: Dr. C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhagacade) oo u tafa xaytay unuu kobciyo Dhismayaasha Dhakhtarka (GMC)  sidii uu u kobcinlahaa aqoonta dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa socdaal wacyi galin ah ku yimid Waqooyiga Ameerika

(Boston, October 07,  2010 Ceegaag Online)

Shaqada Dhakhtarka (GMC)   halkan ka daaloco waraysi uu bixiyay Dr, C/qaadir January 14, 2010. (Riix)

 Agaasimaha Xarunta Caafimaadka Gaalkacyo ee (GMC) Dr, C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhagacade) ayaa warbixin aad u qiimo badan oo ku saabsan xaalada Caafimaad ee uu dalku Soomaaliya ku sugan yahay u jeediyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boston.

Dhekhtarka ayaa soo ban dhigay qaliimo ay ku sameeyeen dadka Soomaaliyeed ee danyarta oo dhaqaale daradu kula habsatay wadankeenii Hooyo Soomaaliya.

Dhekhtarka oo si qoto dheer uga waramay xaalada caafimaad ee dalku marayo, ayaa isaga iyo Hawlwadeenadii la socday ee isku soo duba riday kulankii maanta waxay dadwaynaha reer Boston ka codsadeen in la siiyo fursad ay wax uga qabtaan baahidaa baahsan ee ka jirta Dalkii Hooyo Soomaaliya.

Iyada oo dadwaynuhu adorasayeen inuu Dr, C/qaadir siin doono fursad labaad oo ay isku wareestaan reer Boston. Iyada oo dhakhtarku kusii jeedo magaalooyin badan oo ka mida waqooyiga Amerika siiba Gobolada OHIO iyo MINNESOTA, iyo waliba Magaalda TORONTO ee dalka CANADA.

Agaasimaha (GMC) Dr, C/qaadir ayaa sigaar ah bishii Afraad ee sanadkan April 07 ilaa April 27 2010 fursad qaali ah siiyay dadka danyarta ah, ee la ildarnaa Burooyinka hawshan oo ay GMC kala qaybgaleen dhaqaale ahaan Urur Islaami ah oo ay leeyihiin dhalinyaro fadhigoodu yahay caasimada dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Dhakhtarka ayaa haatan u tafa xaytay unuu kobciyo Dhismayaasha Dhakhtarka (GMC)  sidii uu u kobciyo aqoonta dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

Daawo Sida iyo Habka dadka Dr. Cabdulqaadir Wax ugu Qabto oo ay ugu horayso siinta qof kasta taxadarka iyo wakhtiga uu xaqa ugu leeyahay dhakhtarkiisa

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com