shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xoogaga huwan shaati diimeedyada  oo xalay weeraray fadhiisimaha dawlada iyo AMISOM.

(Muqdisho, November 19,  2010 Ceegaag Online)

Iyada ay ay dhaqdhaqaaq siyasadeed ay shalay ku talaabsatay dawlada Soomaaliya ayaa xalay kooxaha huwan shaati diimqeedka beenta ah weerar ku qaadeen fadhiisimaha dawlada Soomaaliya taasoo kaliftay in xalay ilaa saaka wali madaafiic lagu garaacayo magaalada Muqdisho.

Sidoo akle saaka ayaa dagaalo xoogan waxa ay ka socdaan qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ‘ahaan deegaanada kuyaala waqooyiga magaalada Muqdisho sida degmada Boondheere. Dagaaladaan ayaa waxa ay yhiin kuwo aad u xoogan waxaana leesku adeegsanayaa madaafiic xoogan iyo waliba qoryaha daran dooriga u dhaca.

Qaybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga maqlayaa xooga madaafiicda  ay iswaydaarsanayaan dhinacyadaan isaga soo horjeeda magaalada Muqdisho.

Khasaaraha dagaalkan ayaana wali wax war ah loo hayn, balse ilo wareedyo ku sugan Muqdisho ayaa noo sheegaya in ciidamada Dawladu ay haatan Sifeen ku wadaan aagagii xalay weerarka lagaga soo qaaday.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com