Waxaa maanta gelinkii hore ka soo degay gedida dayuuradaha ee Garoowe International Airport Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan somaliya Dr; Augstin Mahiga iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soo Duulay Wadankaasi Nairobi ee Xarunta Wadankaasi Kenya.

Wakiilka ayaa xarunta madaxtoyada loo soo galbiyey waxana halkaasi uu kulan kula qaatey madaxda ugu sareesa puntland oo uu hogaaminayey madaxwayne cabdiraxman maxamed maxamuud faroole iyo Qaarkamid ah Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumada Puntland oo Madaxtooyada Garowe kula shiray Wakiilka Qaramada Midoobay ee somalia oo Markii ugu Horaysan soo Gaadhay Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.


Kulankaasi Kadib ayaana Saxaafada ayaa Hadal siiyey Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan oo shaagey in ay ku soo dhowenayaan ambassador augistin Puntland ayana  ku faraxsanyihiin socdaalkiisan ee uu ku yimid Deegaanada Puntland, Madaxwaynaha ayaa intaasi Raaciyey kawada hadleen arimah khuseeya guud ahaan somaliya sidii loogu soo dabaali
lahaa nabad iyo weliba dhibaatooyinka jira haatan sidii loo xalin lahaa,dhanka dawladiisuna waxa uu sheegay madaxwaynuhu in ay u gudbiyeen qaramada midoobey mawduucyo dhawr oo ay doonayeen in wax lagala qabto oo Khuseeya Horumarka Puntland.


Dhanka kale wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan Somaliya ambassador augstin mahiga ayaa isna ka warbixiyey  socdaalkan uu ku yimid puntland oo sheegay inuu yimidn puntland sidii uu isugu sheegi lahaa madaxda puntland in uu matalayo xoghayaha guud ee jamciyada quruumada ka dhaxaysa somaliya, isla Markaana Puntland kala shaqaynayo Guud
ahaanba Mashaariicda Horumarka.



Cali Dhagjar
Ceegaag.
Buuhoodle