shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaaji Soomaaliyeed oo mudo dheer Maqalka ka Xirnaa oo Dib Maqalkii u heley.

 

(Maka Almukarama, November 18,  2010 Ceegaag Online)

Iraaddada ilaahey ayay ku dhacday in Xaaji Cali Cabdiraxmaan Shariif oo 42 jir ah uu dib u helo maqalkii iyo hadalkii markii uu yimid Xaramka barakeysan ee Makka si uu u guto waajibka Xajka.

Waa mid ka mid ah awoodda uu ilaahey u leeyahay in wixii uu doonaahi ay dhaqso u ahaadaan.

Arrintan ayaa dhacday ka dib markii Xaaji Cali Cabdiraxmaan Shariif uu soo dawaafay uuna cabay biyaha barakeysan ee ZamZam.

Xaaji Cali oo wareysi siiyay wargeyska Alwadhan ee ka soo baxa dalka Sacuudiga ayaa sheegay in uu Maqalka iy Hadalkaba waayay, 20 sano ka hor markii uu ku soo dhacay hoobiye, isagoo xilligaas ku shaqeynayay Xisaabiyenimo.

Waxa uu Xaaji Cali tilmaamay in wixii waqtigaas ka dambeeyay uu gabay hadalka iyo maqalka codka dadka kale.

Qoyska Cali waxay ay u guureen Britain si ay ugu noolaadaan looguna daweeyo, waxaana loo geeyay dhaqaatiir badan oo baaritaanno ku sameeyay, laakiin way ku fashilmeen in ay daawo ku habboon u helaan, luqada tilmaanta ayaana noqotay habka kaliya ee uu dadka kula macaamilo.
Xaaji Cali waxa uu goostay in isaga iyo xaaskiisu ku noolaadaan Britain , waxa uuna dhalay 4 carruur ah ( Labo wiil iyo Labo gabdhood).

Waxaa la siiyay aqoonsi muujinaya in uu Dhagool yahay isla markaana uusan hadli Karin.

Xaaji Cali Shariif waxa uu wargeyska Alwatan u sheegay in markii uu Dawaafkii iyo Orodkiiba soo dhammeystay uu galay mid ka mid ah musqulaha ku yaalla barxadaha koofureed ee Xaramka , markii uu ka soo baxayna uu maqlay Codka Mu�dinka oo Salaad Subax aadaamaya , isagoo isla markiina u dhaqsaday in uu dadkii ay wada socdeen gaarsiiyo in uu wax maqlayo, taas oo dhammaantood la yaab ku noqotay.

Guddoomiyaha Xujeyda Soomaaliyeed ee ka timid Britain Cabdisamad Maxamed ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay Xaaji Cali Shariif oo hadlaya ka dib sanado badan oo uu dhagool iyo aflaawe ahaa.
Cabdisamad waxa uu tilmaamay in intii ay ku soo jireen safarkii Britain ilaa Jeddah, Shariif uu qorayay waxa uu rabo ka dibna uu isagu u gudbiyay shaqaalaha diyaaradda ka adeega , waxa uu sheegay in ay rumeysan waayeen in Cali maqalkii iyo hadalkiiba dib u helay, ayna marar badan ka codsadeen in uu hadlo.

Ka dib waxaa Cali Shariif la geeyay Isbitaalka xaaladaha deg degga ah ee Ajyaad oo xaramka ku yaalla, markii ay dhaqaatiirtu baaritaan ku sameeyeenna waxay ogaadeen in maqalkiisa iyo hadalkiisuba bad qabaan.

Dr.Maxamed Gazali oo ka tirsan Isbitaalka Boqor Faysal ee magaalada Maka talooyinna ka bixiya cudurrada ku dhaca Sanka,Dhegaha iyo Dhuunta ayaa sheegay in maqalka iyo hadalkuba ay u suurto gal tahay in ay u soo noqdaan qofka 6 bilood ka dib , laakiin ay jiraan xaalado dhif ah oo dad maqalkii iyo hadalkiiba dib u heleen ilaahey awooddiisa, tanina waxay ka mid tahay xaaladaha naadirka ah ayuu yiri Dr. Muxammed Gazali oo sheegay in uu isagu usoo joogay qof indhaha la�a oo aan waxba arki Karin isagoon Ookiyaalo wadan , laakiin markii uu xajiyay uuna cabay biyaha ZamZam, waxa uu dib u helay araggiisa oo dhammeys tiran umana baahan in uu Ookiyaalo xirto.

Kacbada waxay ka mid tahay meelaha ay ugu wanaagsan tahay ducada, maadaama qofka uu joogo betyka Alle ahna meesha adduunka ugu barakada badan sidaasi awgeed walaalaha Alle fursada u siiyey inay Kacbadiisa tagaan ha bdiyeen Alle baryidiisa iyo inay wax fiican weydiistaan.

Haddaba Illaahay SWT awoodiisa way weyn tahay ee walaalayaal dhaxcdadan ha inoo ahaato waano qaadasho iyio wax faham. Waxaana walaakaasi Soomaaliyeed Alle uga baryeynaa inuu maqalkiisa u siyaadiyo caafimaad buuxana siiyo, kana dhigo adoon Alle ku xiran.

Xigasho: Somalimirror.com
 

webmaster@ceegaag.com