shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Weerar Gaadmo ah oo lagu Qaaday Balicaad oo katirsan Magaalada Qudhac dhalaan oo dhaawac Gaystay

(Balicadaad, November 27,  2010 Ceegaag Online)

Wararka laga helayo Maanta deegaano dhinaca Waqooyiga kaga beegan Magaalada Qudhac-Dhalaan ayaa ku soo Waramaya in Habeenimadii Xalayto Deegaankaasi oo ay degan yihiin dad reer guuraa ah Weerar Gaadmo ah lagu soo Qaatay Weerarkaasi oo ay fuliyeen Maleeshiyaad ka soo Duulay deegaanka Coodanle oo katirsan Deegaanka Qorulugud oo dhawaan beesha Buuhoodle dagaal kula dhexmaray Baliga Qadiimiga ah ee Kalshaale.
 
Weerarkani ayaa goor hore oo xalay ah Waxaa uu ka dhacay Deegaanka Lagu magacaabo Balicaad Waxa Weerarkaasi oo ahaa Mid Culusi isaga horyimid Kooxdii Gaadmada ahayd, iyo Dadka Deegaanka Baligaasi oo ka War helay in lagu soo Maqan yahay kadiba Halkaasi jilibkau sii aastay.
 
 
Khasaaraha Weerarkaasi ka dhashay ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay uun  hal ruuxi oo dhaawac ah oo katirsan Kooxdii gaadmada ahayd ee ka soo duushay deegaanka Coodanle.  Weerarkaasi xalayto ee ugu danbeeyey ayaana Maanta hakiyey in Deegaanka Maygaagle lagu Wadahadlo iyadoona Beesha bariga Burco galay kulamo ay kaga hadlayan Weerardani dhinacooda ka imaanaya iadoo loo faradhiyo gogol nabadeed.
 
 
           Cali Dhagjar
           Ceegaag.com
           Buuhoodle.

webmaster@ceegaag.com