shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waxbarashada Dadka Waa Wayn iyo Dhalinta Yar yar Diini iyo Maadi ah oo laga Hirgaliyey Magaalada Ceegaag.

(Ceegaag, November 02,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo Dhawaan Magaalada Ceegaag soo gaadheen Koox Culumo ah oo ka soo Qali jabisay Macadyada Gobolada Dalka somalia Qaarkood ayaa Culumadaasi haatan Magaalada Ceegaag Waxay ka Bilaabeen Daruusdiini ah oo Wax lagu Barayo dadka Waa wayn iyo Kuwa yar yarba oo Magaalada Ceegaag laga Bilaabay gaar ahaan Dugsiyada Waxbarashada ee Degmadaasi Ceegaag Waxayna Culumadaasi Degmada ka Diiwaan Galinyeen Dhamaan Dadka Waa Wayn iyo Kuwa yar yar ee Doonayaa Waxbaarshada Diiniga ah iyo Maadiga oo haatan ka socota Magaalada Ceegaag siwayn.

Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaana Booqasho ku tagtay Degmada Ceegaag oo Waxbarashadu siwayn uga socoto Waxana Culumadaasi Shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegeen inay Dadwaynaha Degmada Ceegaag u Bilaabeen Waxbaarshada Diiniga ah iyo tan Maadiga ah oo Bilaasha ah Waxana Maxamed C/qani Macalin faarax oo Culumadaasi hormuud u ah Shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay inay Waxbarashada Diini ah ee ka bilaabeen degmada Ceegaag iyo Faafinta Diinta islaamka Baraarujunta iyo Wacyigalintuba tahay Mid Bilaasha ah oo Lacag la,aan ah oo Dadka degmada Ceegaag Wax lagu Barayo oo loogu baaqayo inay ka faaiidaystaanh Waxbaarshadaasi.

Talaabadan ay Culumadu ka bilaabeen degmada Ceegaag ee Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Ceegaag Wax lagu Barayo ayaa Waxaa siwayn u soo Dhaweeyey Guud ahaan Waxgaradka Degmaad Ceegaag oo Hanbaliyo u Diray Jaaliyada Beesha Ceegaag oo iyagu imaanshiiyaha Macalimiintiitaasi Kaalin ka Qaatay, gaar ahaa Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Prof C/risaaq Maxamed Aadan (Lafoole).

Daawo Sawiradda

Cali dhagjar

Ceegaag

webmaster@ceegaag.com