shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

  Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Puntland oo Shabakada Wararka Ceegaag.com uga Waramaya U Jeeda Safarkooda Gobolka Cayn iyo Waxyaabaha uga Qabsoomay

(Buuhoodle, November 29,  2010 Ceegaag Online)

Waraysiga Wasiirka Maxamed Faarax Aadan     Dhagayso

Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka Bada ee Puntland oo Hogaaminayey Wafti Balaadhan oo ka socday Maamulka Puntland oo Isugu jira Galaha Wakiilada Xukuumada iyo Isimada Puntland ayaa Shabakada Wararka Ceegaag.com siiyey Waraysi Khaas ah oo kaga hadlaya Waxyaabaha uu ku saabsan yahay safarkooda Buuhoodle iyo Waxyaabaha uga Qabsoomay intii Gobolka Cayn ku sugnaayeen Waftigaasi Balaadhan.
 
 
 
Wasiirka ayaa Shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay u Jeedada Safarkoodu la Xiriiray inay ka Qab Qaataan Dhex Dhexaadinta Beelihii Dhawaan ku dagaalamay Baliga Kalshaale Waxa uu Wasiirku sheegay in Wafti Balaadhan oo isimo ah oo ka socotay Puntland kulamadaasi ka Qayb galeen Waxana Wasiirku sheegay in shirkaasi Maamulka Puntland ka Qayb Qaatay dhaqaalaha ku baxaya Qayb ahaan kulamana la Qaateen Waxgaradka Buuhoodle oo kala hadleen in la damiyo Colaadaasi Halkaasi ka dhacday.
 
 
Wasiirka ayaana Meesha ka saaray in ay Wadaan inay kala fur furaan Waxgaradka Buuhoodle Waxana Wasiirku sheegay in Wararkaasi lagu daabacay Qaarkamid ah Warbaahintu yihiin kuwo ka Fog Xaqiida Waxana uu ugu baaqay Websedyada Caadaystay Wararka Beenta ah inay Arimahaasi ka Waan toobaan, Maxamed Faarax adan Wasiirka Kalluumaysi ayaana ugu danbaytii ugu baaqay Beelaha Walaala ah inay ka shaqeeyaan Guud ahaan Nabada iyo Hurumarka Deegaanka.........
 
 
 
Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle...

 

webmaster@ceegaag.com