shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Boostada Iyo Isgaadhsiinta Maamulka Somaliland oo Ceegaag.com uga Waramaya Safarkoda Degmada WidhWidh iyo Waxyaabaha ka soo Baxay Shirkii Maanta

(Widhwidh, November 02,  2010 Ceegaag Online)

Dhagayso waraysiga C/risaaq Maxamed Ibraahin (Ataash) Dhagayso

Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Boostada ee Maamulka Somaliland C/risaaq Maxamed Ibraahin (Ataash) oo Kamid ah Wasiiro ka socday Maamulka somaliland oo Maalintii Shalayto Gaadhay Degmada Widh Widh ayaa Shabaka Wararka Ceegaag.co Talefoonka Kula Xidhiidhay Magaalada Widh Widh Shabakada Ceegaag.com ayaana Wasiirka Waydiisay inuu Faah faahin naga siiyo Ujeeda Safarka Wasiirada ka socda Maamulka somaliland ee Degmada Widh Widh.

Wasiirka ayaana ku Jawaabay inay Wadahadal kula Yeeshaan Magaalada Wisdh Widh iyo Guud ahaanba Deegaankaasi Waxgaradka ku dhaqan oo kala hadlaan ka shaqaynta Nabad Galiyada iyo inay Raadinayaa inay ka shaqeeyaan Wadahadalkii Madaxwaynaha Maamulka somaliland uu ku dhawaaqay.

Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaana Wasiirka Waydiisay inuu jiro Heshiis hordhac ah oo laga gaadhay Wadahadaladii Maanta ka dhacay Magaalada Widh Widh Waxana Wasiirku ku Jawaabay inay Qodobadaasi Wax ka jiraan, laguna Raadinayo Nabadgaliyo ka dhalata gabi ahaaba Deegaanka.

Wasiirka ayaana Sidoo Kale Shabakada Wararka Ceegaag.com Waydiisay Waxyaabaha Keenay in Waftiga ka socda Maamulka Somalilnd la shir oo Kale Beesha Guuleed Garaad(Barkad) Waxana Wasiirku ku Jawaabay inay Beeshani Diyaar u tahay inay ka shaqayso Nabadgaliyada isla Markaana Fidisay Qogosha oo siwayna Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Widh Widh.

Ugu Danbaytiina Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta ayaana Fariin u Diray Saxaafada Caadaysatay inay Daabacaan Wararka Been Abuurka ah ee laga Faafinayo Guud ahaanba Deegaanka Waxana Wasiirku Sheegay inay Arimahaasin kula Xisaabtami Doonaa, Waxna kaloo Fariin u Diray Qurbah Joogta Deegaanada SSC oo kala hadlay Waxyaabaha Dhabta ah ee ka jira Deegaanada SSC.

Waraysigaasi Wasiirka oo Dhinacyo Badan Taavbanaya Isla Markaana ah Waraysi Dheer oo Shabakada Wararka Ceegaag.com Wasiirka ka Qaaday ka dhagayso WWW.CEEGAAG.COM

Cali dhagjar

Ceegaag.com

Buuhoodle...

 

webmaster@ceegaag.com