shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo ka hadlay xaalada uu dalku maryo iyo sababaha uu ugu shaqo tagi waayay Somaliland

(Muqdisho, November 18 ,  2010 Ceegaag Online)

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo Shaaciyey in Isbeddelka Siyaasadeed ee Somaliland ka Dhacay Fa’iido Weyn Ugu Fadhiyo Mandaqadda Geeska Afrika

Muxuu Maxamed Cabdillaahi Oomaar ka yidhi Madaxbannaanida iyo aqoonsi ay hesho Somaliland, Xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya Dawladda Somaliland iyo dawladda ku-meelgaadhka Soomaaliya, Fikirka ay dadweynaha Somaliland ka qabaan isaga iyo siyaasiyiinta kale ee xilka ka haya Soomaaliya, Sababta uu xil uga doonan waayey Somaliland iyo waqtiga uu ku soo laabanayo iyo aragtidiisa Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale?

 

 “Dad karti badan oo mutacalimiin ah ayaa jooga, kuna filan in ay ka hawlgalaan dalkaa iyo degaankaa ay nabadgelyadu ka jirto..... anigu masuuliyad baan u arkay i saaran, maadaama dhaqaalaha iyo nabadgelyada Somaliland u baahan tahay in…”

 

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya

 

Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya. Mr. Maxamed Cabdullaahi Oomaar, ayaa daboolka ka qaaday in isbeddelkii siyaasadeed ee Somaliland ka dhacay  uu dan iyo faa’iido weyn   u yahay guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo mandaqada dalalka Geeska Afrika, isaga oo fashiliyey in markii loo soo bandhigay xilka wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya uu ku sugnaa magaaladda Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo waraysi siiyey shabakadda Internetka ee Hadhwanaagnews, waxa uu ka dhawaajiyey in qadiyada  madaxbannaanida Somaliland ay tahay mid u taal dadweynaha reer Somaliland, isla markaana uu diyaar u yahay wixii ummadda Somaliland uga baahato.

Wasiirka arrimaha dibedda dawladda Sheekh Shariif oo faahfaahin ka bixiyey shaqada xafiiskiisu qaban doono mudada uu xilka hayo, waxa uu yidhi; “Ta ugu muhiimsani waa in xafiiskaygu u adeego dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan oo ay ka mid yihiin kuwa Somaliland , Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya.

Al-shabaab waxay halis ku yihiin nabadda lagu soo tabcay ee Somaliland, maadaama ay madaxtooyada Somaliland ay qarxiyeen.

Mar la waydiiyey in dawladda ku-meelgaadhka ah ee uu ka tirsan yahay Somaliland u aqoonsan karto dal madaxbannaan, waxa uu ku jawaabay, “Arrintaasi waxay u taalaa dadka Somaliland, iyaguna inay go’aankooda, kuna dhaqmaan oo mustaqbalkooda ka taliyaan, laakiin dadka Soomaaliyeed maadaama shirkii shirkii Boorama laga soo bilaabo iyo intii Madaxweynayaal ka dambaysayba ay dadka Somaliland iyo madaxdooduba qabaan in dadka Soomaaliyeed guud ahaan isku dan yihiin si kastaba ha isugu xidhnaadaan meel sare ama hoose, maanta Somaliland waxa degan ugu yaraan 600,000 (lix boqol oo kun) oo qof oo ka soo barokacay Koonfur, dadkaasina si caadi ah oo xuquuqdooda oo dhami ugu dhan tahay ayey u degan yihiin, anigu kama turjumayo Somaliland, laakiin dadka iyo dawladda Somaliland ayaa muujiyey mowqifkaas. Markaa anigu wixii la ii diro ee dadka reer Somaliland ii diraan ee ay iiga baahan yihiin ayaan u diyaar ahay, laakiin wax kale oo dibad looga keenayaa ma jirto.

Aqoonsiga waxa ka horreysa nabadgelyada iyo horumarka dadweynaha Somaliland, arrintaasina waa mid u taal dadweynaha Soomaaliyeed, Somaliland iyo labada hoggaan in ay iyagu meeshii ay wax isla dhigayaan isla dhigaan, markaa taasi waa mid mustaqbal ah waqtigeediina lama joogo, waxa ka horreeya nabadgelyada iyo horumarka iyo dhaqaalaha, kadib baan anigu qabaa wixii ay ka wadahadlanayaan [madaxda Somaliland iyo Soomaaliya] iyagaa ka wadahadli go’aankana gaadhi.”

Mr. Cabdillaahi oo la su’aalay in uu nabadgelyada Somaliland u arko mid ay wax ka dhiman yihiin, waxa uu yidhi, “Way muuqataa inay wax ka dhiman yihiin guud ahaan Koonfur marka la eego maadaama dirirta iyo dagaalku ka socdo xaggan (Koonfurta Soomaaliya), laakiin waa macruuf in dhibaatooyinka Koonfur ka jiraa ay saamayn karaan xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland ka jirta ee lagu tabcay, taasina aad iyo aad bay muhiim u tahay in la ilaaliyo, la xasiliyo, la nabadgelyo, waana masuuliyad saaran dadka Soomaaliyeed oo dhan meel ay joogaanba.”

Isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd, inuu jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya dawladdaha Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Xidhiidhku wuu fiican yahay, dhinac dhinac wax u qabaa ma jiro, laakiin anba-qaad bay u baahan tahay sidii danaha Somaliland, Soomaaliya iyo Puntland ay u noqon lahaayeen wax iskaba oo socon kara, dadka Soomaaliyeedna ay guud ahaan uga faa’iidi karayaan, markaa xidhiidhku waa mid aannu doonayno in uu wanaagsanaado, ta ugu horreysana ay tahay in aan anigu ku bogaadinayo, kuna hambalyeynayo dadka Somaliland sida ay u soo dhaweeyeen walaalahooda soo barakacay ee dhibtu ku dhacday, taasaana ugu horreysa oo saldhig u ah dadweynaha iyo dawladda Somaliland labaduba in ay nabad la jecel yihiin walaalahooda degan Koonfurta Soomaaliya.”

‘Dadweynaha iyo dawladda Somaliland shakhsiyaadka ka soo jeeda ee dawladda Soomaaliya xilalka ka haya uma arkaan dad iyaga metala, laakiin waxay u arkaan dad shaqo tagay? Ayey ahayd su’aal kale oo la waydiiyey, waxaannu Mr. Oomaar kaga jawaabay, “Aniga aragtidaydu way ka duwan tahay taa, aniga markii la ii soo bandhigay dawladdan in aan ka qaybqaato Hargeysa ayaan joogay, markaa anigu waxaan qabaa xil wayn baa i saarnaa in wixii aan ka gaysan karo nabadaynta Koonfurta Soomaaliya in aan ka gaysto, aniga oo u arkaaya in arrintaasi Somaliland dan u tahay, in nabadi ka dhalato Koonfurta, kadibna dadka iyo dawladuhu wixii ay yeelanayaan iyaga ayey jirtaa, laakiin anigu masuuliyad baan u arkay i saaran, maadaama dhaqaalaha iyo nabadgelyada Somaliland u baahan tahay in si qaab walba loogu shaqeeyo in aan anigu ka qaybqaato dawladda TFG-da (Dawladda ku-meelgaadhka), si aan ugu biiriyo wixii aan ku kordhin karo dhismaha nabadgelyada Koonfureed, maadaama dadweynaha Somaliland iyo dadka Soomaaliyeedba ay dantooda tahay. Waxaan qabaa in aan halkan u imi oo aan qayb ka qaadanayo aniga oo aan metalayn, waayo aniga cid i soo diratay ma jirto oo dawlad iyo dadweyne ii codeeyey oo i yidhi tag ma jiraan, laakiin waa xil anigu aan isa saaray.

Waa laga yaabaa in la yidhaahdo waa shakhsi shaqo tagay, anigu ma maqal, laakiin waxyaabahaasi waa wax tagay oo siyaasado markii hore jiri jiray ayey ka mid yihiin, maanta isbeddel ayaa ka dhacay Somaliland kaas oo Somaliland, guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo mandaqada aynu ku nool nahayba faa’iido wayn u ah, markaa anigu ma odhan mana odhanaya Somaliland baa na soo diratay, laakiin anigu Maxamed ahaan qof macquul ah oo wax kala garanaya ayaan isu arkay, waxaannan u qaatay in masuuliyadi iga saaran tahay in danta guud ee Soomaaliyeed ay tahay in la dhiso Koonfur, taasina ay igu haboon tahay maadaama la iigu yeedhay masuuliyad in aan qaado oo aanan diidin.”

Mr. Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo la waydiiyey haddii uu xil doon yahay sababta uu xilka uga doonan waayey Somaliland oo uu ka soo jeedo, waxa uu yidhi, “Haddii aan doonayo iyadoo aan xilka kii ka horreeyeyba la iigu yeedhin ayaanan doonan lahaa, laakiinse dad karti badan oo mutacalimiin ah ayaa jooga, kuna filan in ay ka hawlgalaan dalkaa iyo degaankaa ay nabadgelyadu ka jirto. Qof waliba waa inuu cabbiro meesha uu ka gaysan karo waxtarka ugu badan, isla markaana maadaama dad fara badan oo karti, aqoon iyo khibaradba leh ay joogaan Somaliland, anigu waxaan u arkay mar haddii baahi wayni ka jirto Koonfur in waxtarka ugu badan ee aan qaban karaa uu yahay in aan ka qaybqaato dhismaha nabadgelyada Soomaaliya, si danta guud ahaan Soomaaliya iyo danta Somaliland-ba ay wax ugu tarto.”

Mar la waydiiyey inuu isagu shakhsi ahaan u aqoonsan yahay Somaliland dawlad dhisan oo gaar ah, waxa uu ku jawaabay, “Aniga iima taalo Maxamed ahaan, dad badan baa ku dhawaaqay oo yidhi waynu wada ognahay, laakiin waa arrin sharci ah, waana arrin caalami ah oo waxay u taalaa ururka Midowga Afrika, ururka Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay, mid shakhsi hortaala oo ka go’da maaha, wixii la go’aamiyana anigu waan u hoggaansamayaa oo qof diidaya ma ihi. Guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin nabadii iyo horumarkii inay dib u soo ceshadaan, jidka lagu gaadhayo waa mid bannaan in laga doodo oo laga arrinsado.”

Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya oo la waydiiyey sida uu u arko siyaasiyga Cismaan Kalluun oo isna ka soo jeeda Somaliland ee isaga ay isku mabda’a yihiin, balse hore mar u sheegay inuu ka noqday fikirkiisii Soomaali wayn, mar la baadna ka noqday, waqtigana ku sugan Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Anigu waxaan qabaa waxyaabahaasi waa kuwa dib inoo dhigaya, waxa la rabaa danta shacabka in laga hadlo, sidee horumar loo gaadhaa, in nabadgelyada la xoojiyo, sidee dhallinyaradeena aynu shaqo ugu abuurnaa, maaha in aynu isku qabqabsano arrimo sharci ah oo aan inaga inoo oolin, waxa loo baahan yahay dantu waxay tahay ee qofka Soomaaliga ah ee caadiga ahi u baahan yahay in wax walba laga horumariyo, markaa anigu doodaa, gartaa iyo sheekadaasi oo ahayd mid hore oo laga koray mid aan galayo maaha, mid aan ku jirayna maaha, anigu waxaan qabaa in shaqo iyo hawl loo baxo.

Anigu lama socdo wax war ah oo aan ka ogahayna ma jirto Cismaan Kalluun, in igu filan oo i mashquulisa waan hayaa, maadaama dawlad cusub la dhisayye, maadaama ololeyaal lagu jiray.

Arrintaa uu yidhi ee aad sheegaysana anigu ma maqal oo waqtigaa siyaasadda kumaan jirin, ma qabo in aan xasuusanahay. Cismaan Kalluun waa nin oday ah oo macruuf ah oo sharaf leh oo u baahan in qadarintiisa la siiyo, ra’yiga waa lagu kala duwanaan karaa, qofkuna xor buu u yahay ra’yigiisa, bini’aadamkuna khalad wuu samayn karaa.”

‘Ma laga yaabaa adiga oo xilka haya in aad Jamhuuriyadda Somaliland booqato?’ Ayaa la waydiiyey Maxamed Cabdillaahi Oomaar, waxaannu kaga jawaabay, “Anigu kolayba hadda hawlaha ii yaalaa maadaama ay culus yihiin waqtiga soo socda qorshayaal badan ayaa i horyaala in aan dhaqaajiyo, waxyaabahaasina waxay kelifayaan in aan socdaalo dhaadheer galo, waxyaabaha ka soo baxa ayaan anigu doonayaa in aan diiradda saaro, maanta tegista Somaliland waxaa u arkaa inkasta oo ay qadarinteeda iyo muhiimadeeda leedahay, aniga waxa la iga rabaa in aan dibad ka soo shaqeeyo wixii aan ka keenay ka keeno, markaa aniga taas ayaan muhiimadda saarayaan.

Anigu laba sanno hadda waan ka soo maqnaa intii aan ku maqnaa iyo hawshaan qabanayeyna waa la ogyahay, Somaliland waa dalkaan ku dhashay, markaa anigu aad baan ugu faraxsanahay horumarka, wanaaga, xasiloonida iyo deganaanshaha Somaliland maanta ka jira, qof kasta oo Soomaaliyeed wuu ku faanayaa, qof diidaya ama wax xun ka sheegayaana anigu ma qabo inuu jiro, waa billad Soomaali oo dhami gashan tahay.”

Waxa kale oo la waydiiyey firkadda uu ka hayso Madaxweynaha Somaliland Md. Siilaanyo, waxaannu yidhi, “Axmed Maxamed Siilaanyo waa nin macruuf ah, anigu taariikhdiisa uma baahni in aan dhexgalo, waa ninkaas maanta hoggaanka Somaliland si aad iyo aad u qurux badan loogu doortay, uguna wareejiyey xilka Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, waa nin macruuf ah oo taariikhdiisu meel walba taalo, dadkuna wada garanayaan, markaa waa nin masuul ah oo maanta laf-dhabar u ah Jamhuuriyadda Somaliladn oo keliya maaha, danta iyo aragtida dadweynaha Soomaaliyeed meel walba ha joogaane, qof lagu soo hibaysanayo, lagu soo xidhmayo weeye, mandaqada aynu deganahayna dadka ugu culculus weeye.

Rayaale waa madaxweyne intaas oo sanno xilka hayey, anigu waan arkay waanuna is weji naqaanay, markaa wuxuu iga mudan yahay qadarin, sharaf iyo wanaag, intaba waan siinayey markii uu madaxweynaha ahaa, maantana waan siinayaa waanu iga mudan yahay. Markaa arrintaa waxaan aaminsanahay in aad khilaaf ka raadinaysid ee iga helimaysid [weriyaha waraysnayey], markaa waxaan kugula talin lahaa aynu u gudubno arrimaha macquulka ah ee siyaasaddan hoose ee aad baadigoobayso inaga daa.”

Ugu dambayntii waxa Mr. Oomaar waxa weriyaha waraystay waydiiyey waxa uu ugu baaqayo Somaliland, waxaannu yidhi, “Anigu Maxamed ahaan dadka Somaliland joogaa Madaxweyne ayey leeyihiin, gole wasiirro ayey leeyihiin, Baarlamaan ayey leeyihiin, hoggaan, talo iyo wax walba way leeyihiin, anigu Maxamed ahaan aniga oo mansab haya iyo aniga oo aan haynba waa la ogyahay, waana la ogaa mowqifka aan ka taagnaa in aan iyagana waxtaro, dadweynaha Soomaaliyeedna waxtaro, tiibaanan weli ku taaganahay.”

 

Xigasho: Jam

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com