shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wararkiib ugu danbeeyey ee Deegaanada Kalshaale iyo Maygaagle oo wali ay xaaladoodu degentahay.

(Kalshaale, November 20,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo Tobobaadkani Xiisado Colaadeed oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac ka kala Dhaceen Deegaanada Kalshaale maggaale oo katirsan Deegaanka Buuhoodle oo Iska Horimaad sababay Dhimasho iyo Dhaawac ku Dhexmaray Deegaankaasi Beelo ka soo Wada Jeeda Bariga Burco iyo Deegaanka Buuhoodle oo Walaala ah.


Wararkii ugu danbeeyey ee Shabakada Wararka Ceegaag.com Deegaankaasi ayaa ku soo Waramaya in Deganaasho laga dareemayo Maalintii Saddexaad Deegaankaasi oo aanay gabi ahaanba ka dhcin Wax iska Horimaad ah Wararka ayaana intaasi ku Daraya in Beelihii Deegaankaasi ku dagaalamay ay Wali Halkaasi isku hor Fadhiyaan lana Cabsi Qabo in Mar kale Deegaanadaasi Dagaalo ka Dhici karaan.

Dhinaca Kale Magaalada Qorulugud Wararka Shabakada Ceegaag.com ka helayso ayaa ku soo Waramaya in Halkaasi ka socdaan Kulamo iyo Wada Xaajoodyo u Dhaxeeya Ergooyin ka yimid Galbeedka Bariga Burco iyo Waqooyiga Soomaaliya oo Deegaankaasi Wadahalo kula leh Beesha Bariga Burco oo kala Xaajoonayaa Sidii Nabad lagu gaadhi lahaa loona Dejin lahaa Xiisadaasi Deegaankaasi ka dhacday.


Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com