shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

War Deg deg ah Isimada Gobolka Cayn oo Caawa Baaq ka soo Saaray Dagaalkii Baliga Kalshaale Baaqna u Diray Beelaha Walaala ah

(Buuhoodle, November 19,  2010 Ceegaag Online)

Baaqa ayaanu ka waraysanay Garaad Abdilaahi Garaad Soofe Dhagayso

Magaalada Buuhoodle Waxa Caawa Fiidkii Markii ugu horaysay Baaq Nabadeed ka soo saaray Isimada Gobolka Cayn baaqaasi oo Loo diray Beelaha Walaalaha ee Dhawaan Dagaalku ku Dhexmaray Deegaanka Kalshaale oo Dhinaca Waqooyiga kaga Beegan Magaalada Buuhoodle



Baaqaasi ayaa Caawa Waxa Gobolka Cayn ka soo saaray Isimada Gobolka Cayn oo ugu baaqay dhinacyada Beelaha Walaalaha ah inay Joojiyaan Dagaalka Isla Markaan Isugu yimaadaan Miiska Wadahadalka lana Shaqeeyo sidii Nabad Lagu gaadhi lahaa iyo Daris Wanaag, Baaqani ayaa Caawa Waxa soo saaray Isimada Kala ah.



1 Garaad Abdilaahi Garaad Soofe
2 Suldaan Siciid Cismaan Cali
3 Garaad Saleebaan Buraale Adan,


Waxana Shabakada Wararka Ceegaag.com Baaqani uga Waramay Caawa Garaad C/laahi Garaad soofe oo Waraysi Khaas ah Siiyey Shabakada Wararka Ceegaag.com, Garaadka ayaana ugu baaqay Dhamaan Dhinacyada Xiisadni Dhextaalo inay Isugu yimaadaan Miiska Wadahadalka laga shaqeeyo Guud ahaan Sidii Nabad lagu Gaadhi lahaa( Dhagayso Baaqa Isimada Deegaanka




Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com