shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiyey oo Dhaawac Soo gaadhayka dib markii uu ku kufay...

(Hargaysa, November 24,  2010 Ceegaag Online)

Wararka laga helayo Magaalada Hargaysa ayaa ku soo Waramaya in Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiyey Muuse Biixi Abdi Maanta Dhaawac soo gaadhay laguna Daawaynayo Haatan Xarun Caafimaad oo gaar ah oo ku taala Magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.
 
Dhaawaca Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiyey Muuse Biixi Abdi ayaa Shabakada Wararka Ceegaag.com Waxa u Xaqiijiyey Ilo Wargal ah oo Diiday in Magacooda Saxaafada laga Shaaciyo Waxana Masuulkaasi Sare oo Xisbiga Kulmiyey Dhaawacmay Kadib Markii uu ku kufay Musqul ku taala Xaafadiisa Xili uu Rabay inuu gudaha Masqusha uu galo.
 
Dhaawac ayaana ka soo gaaray lug iyo  feedhah oo Qaarkamid ah gabi ahaana ay jaban yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiyey Muse Biixi Abdi, Dhacdan ayaana horay uga Dhacday Madaxwaynaha Axmed Maxamuud Siilaanyo oo ku dhacay Suuliga Gurigiisa ka hor ololihii Doorashada Madaxtooda Maamulka somaliland oo Madaxwayne Siilaanyo Xiligii uu Mucaaradka ahaa Dhaaca ka soo gaaray Goob Suuli ah.
 
Warbaahinta ka Howl gasha Somalilad ayaan Arimaha siwayn uga Hadlaya Waxana inta badan Saxaafada lagu daabacay sababay Labadani Masuuli Suuliyada Dhaawacyo Xoogani uga soo gaadheen, Waxana Kaloo Dadwaynaha Caadiga ah Iswaydiinayaa Dhacdooyinkan ku dhacay Labadadani Masuul oo Jaraaidku siwayn Wax uga Qorayaan.
 


Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com