shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine P. Mahiga oo gaadhay Hargaysa Caasimada 2aad ee Soomaaliya markiisii ugu horaysay

 

(Hargaysa, November 11,  2010 Ceegaag Online)

Augustine P. Mahiga                                        Madaxwayne Siilaanyo

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine P. Mahiga ayaa kulamo kala duwan kula qaatay magaalada Hargeysa madaxda Somaliland oo ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Maxamud Silanyo. Wakiilka oo baryahanba socdaal ku marayay Soomaaliya ayaa horay usoo maray magaalo madaxda Muqdisho iyo Garoowe xarunta maamul goboleedka Puntland.

Mahiga ayaa aad ugu amaanay horumarka dhinaca Siyaasada, Bulshada, dhaqaalaha iyo nabadgalyada ee ay ku talaabsadeen gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxwayne Siilaanyo ayaa aad ugu booriyay inay qaramada midoowday dardar galiyaan mashaariicda horumarineed ee ay u balan qaadeen Somaliland si loo sii wada habsami usocodka hanaanka nabadgalyo ee Somaliland.


Wakiilkaayaa haatan ka amabaxay Hargaysa...........

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com