Deegaanka Maygaagle ayaa Maanta Waxa ku soo gabo gaboobay kulamadii Maalintii shalayto Deegaanka Maygaagle uga Furmay Ergooyinkii Nabad Raadinta ee ka socday Deegaanada Maamulka Somaliland iyo Waxgaradka Buuhoodle Waxana Galabta Deegaanka Maygaagle ku soo Xidhmay Wajigii hore ee Kulamada Nabad Raadinta Beelaha Bariga Burco iyo Deegaanka Buuhoodle.


Ugu horaynba Waxa Halkaasi Mahad Celin ka soo Jeediyey Ergooyinkii u socday Dhex Dhexaadinta Beelaha Bariga Burco iyo Deegaanka Buuhoodle Waxana Goobta Shirka uga Hadlay Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo Mahad Celin Balaadhan u Jeediyey Gabi ahaanba Dadwaynaha Buuhoodle oo aan u kala Hadhin soo dhawayntooda iyo Sooryada Wanaagsan ee loo sameeyey, isla Markaana Waxgaradka Buuhoodle ka aqbaleen Nabadii ay u socdeen.

Gabagabadii shirka waxaa Ergada u hadlay  Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil Dhagayso

Dhinaca Isimada Gobolka Cayn Waxa Goobta uga Hadlay oo Shirka soo Xidhay Suldaan Siciid Cismaan Ali oo aad ugu mahad Celiyey Ergooyinka ka shaqaynaya Nabad Raadinta Waxan suldaanku Goobta ka sheegay in
Maalinta Sabtida ah lay isagu imaan Doono Deegaanka Maygaagle oo goobtaasi laga sii Wada Doono Wadahadalidii Nabad Raadinta labada Beelood.

Dhinaca reer Buuhoodlena waxaa u hadlay Suldaankooda Suldaan Siciid Cismaan Cali Dhagayso




Daawo Sawiradii Shirka