shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafti Balaadhan oo ka socda Puntland oo Caawa Buuhoodle lagu soo Dhaweeyey

(Buuhoodle,  November 23, 2010 Ceegaag Online)

Magaalada Buuhoodle Waxa Caawa soo gaadhay Wafti Balaadhan oo ka socda Maamulka Puntland Waftigaasi oo hogaaminayo Gudoomiyey Kuxigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji Diiyey Waxana
Waftigaasi kamid ah Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Puntland iyo Isimo farabadan oo ka soo kicitimay Magaalada Garowe.

Ujeeda Socdaalka Waftigani ayaa la Xiriita inay Waftigani ka Qayb Qaataan Dhex Dhexaadinta Colaada Dhawaan Dhexmartay Beelaha ka soo Jeeda Buuhoodle iyo Bariga Burco Waxana Waftigani siwayn loogu soo Dhaweeyey Guud ahaanba Magaalada Buuhoodle Caawa Fiidkii Waxana goobta Waftiga la Dejiyey la Dhigay Ciidamada Booliska Gobolka Cayn ee Puntland.


Shabakada Wararka Ceegaag.com oo Heshay Nuqul kamid ah Magacyada Waftiga ayaa Shabakada Ceegaag.com loo soo Gudbiyey Waxayna Waftiga kala yihiin Sidan.


Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Wakiilada Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye
Wasiirka Wasaarada Kalmaysiga iyo Khayraadka Maxamed Faarax aadan
W/kuxigeenka Waxbaarshada C/raxmaan Diiriye Carab.
Garaad C/laahi Cali Ciid (Gobolka Sanaag)
Garaad Maxamuud Cali Shirwac (Mudug)
Suldaan Siciid Maxamed Garaase (Mudug).

Daawo Sawirada


Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com