Kadib Markii Maalintii shalayto Deegaanka Maygaagle uu ka furmay Wajigii Labaad ee Wadahadalada lagu Dhex Dhexaadinayey Beelaha ka soo kala Jeeda Buuhoodle iyo Bariga Burco ayaa Dhinaca Kale Maanta Deegaanka Maygaagle Goobta Nabada Galinkii hore lagu Qabtay kulankii ugu horeeyey ee lagu Wadahadalsiinayo Labadaasi Beelood oo kaga Hadlayaa Dhaartiii shalay ka dhacday Maygaagle iyo Sida Nabada ay u arkaan Waxyaabaha ka soconaya Deegaanka Maygaagle ee Nabada lagu Raadinayo.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaiilna waxa uu ergada nabada ku booriyay

 Kalmadaha Dhagayso

Afhayeenka Ergooyinka Dhex Dhexaadinta ayaana Goobtaasi shirku ka soconaya uga Yeeshay Afar Xubood oo ka soo kala Jeeda Buuhoodle iyo Bariga Burco oo ka hadlaya Dhaartii shalay ka dhacday Deegaanka Maygaagle iyo Qaabka Nabada ay u Qaadanayaa Waxa Ergadu ugu horayba Goobtaasi shirka looga yeedhay Labo Xubnood oo ka soo Jeeda dhinaca Buuhoodle oo ka hadlaya Shirka Nabadayna Maygaagle.

Waxana Dhinaca Buuhoodle ugu horay Goobtaasi looga yeedhay Maxamuud Xaaji Cumar Camay oo kamid ah Waxgaradka Reer Buuhoodle Maxamuud Xaaji Cumar ayaana goobtaasi ka sheegay inay ka Reer Buuhoodle ahaan diyaar u yihiin inay ka shaqaynayaa Guud ahaanba Nabada isla Markaana ku Qacansan yihiin dhaartii goobtaasi ka dhacday tacsina u Dirayaan Dhamaan dadkii ku Geeriyooday dagaalkii Baliga kalshaale,

Kalmadii Maxamuud Xaaji Cumar Camay  Dhagayso

Waxana Kaloo Goobta ka hadlay Caaqil Cali Abdi Cali oo kamid ah Cuqaasha Reer Buuhoodle Waxana Caaqilku sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatadii ka dhacday deegaanka kalshaale haatanada nabada diyaar u yihiin( Khubadaasi oo farabadan ka dhagayso Shabakada Wararka Ceegaag.com).

Kalmadii  Caaqil Cali Cadaani    Dhagayso

 

Dhinaca Reer Burco Waxa Hadalka u baxay Caaqil Xasan Maxamed Dhuux yar oo sheegay inay dhinacooda Nabada Qaateen kana shaqaynaa adkaynta Nabada galiyada isagoona goobta ka soo Jeedinyey hadalo kaftan ah Caaqilku,

Kalmadii Caaqil Xasan Maxamed Dhuux Dhagayso

Waxaa Kaloo Beesha Burco u hadlay Caaqil Cali Cadaani oo sheegay in Labadani Beelood Waligood aanay kala Maarmay Isla Markaana ka Reer Burco ahaan Nabada iyo Islaaxa ay Wataan Gudiga Dhex Dhexaadintu diyaar u yihiin

Kalmadii Cabdiraxmaan Maxamuud Caraale Dhagayso

Ugu danbatiina Waxa Goobtaasi ka Hadlay Qaarkamid ah Ergooyinkii Dhex Dhexaadinta oo ugu horeeyey Garaad C/laahi Cali Ciid oo kamid ah Isimada Ergooyinka ah ee ka soo Kicimay Dhinaca Puntland Waxana uu Garaadku tacsi u diray Dhamaan Dhinacyadii ku dhintay Colaadaasi Waxana Garaadku ka Codsatay Labada dhinacba inay ka shaqeeyaan Guud ahaanba Nabad raadinta iyo Daris Wanaaga Isla Markaana yihiin Labo Ardaad oo aan Waligood kala Maarmi Karayn looba baahan yahay inay Isku Mid Noqdaan.

Daawo Sawirada Shirka

 
 
           Cali Dhagjar
           Ceegaag.com
           Maggaagle.