shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka Siyaasiga ah ee Somali Peace Progress Loona Soo Gaabiyo SPP ayaa shalay Dood cilmiyeed Ciwaankeedu ahaa ”Doorka Dhalinta Somaaliyeed ay ku Leeyihiin Masraxada Siyaasada Somaliya

(Nayroobi, November 19,  2010 Ceegaag Online)

Munaasibadaasi ayaa lagu Qabtay Hotelka Islii Mool waxana ka soo qayb Galay Dhalinyaro badan Aqoonyahano ah iyo Culumada Somaliyeed qabteed.

Ugu horayn Aayadaha Quraanka Kariimka ah ayaa lagu Furay Munaasibadaasi waxana Halkaasi ka Akhriyay Sheekh  C/laahi Yuusuf Heeryo.

Quraan ka dib ayaa la Guda Galay Xaflada Ujeedkeeda iyada oo Maxamed Axmed Ilka Case uu ahaa xidhiidhiyaha Xaflada Hadalka ayuu Siiyay Sheekh Cali Raage oo ka mid ah dadkii ka doodayay Mowduuca aan kor ku sheegnay.

Cali Raage ayaa ku dheeraaday in ay Muhiim tahay in Dhalinta Somaliyeed laga qayb Galiyo Siyaasada Somaliya isaga oo Tusaale u soo qaaday “in Ilaa Wakhtigii ay Dhacday Somaliya Dawladeeda ay Meesha Ka dhex Muuqanayay Rag In badan Siyaasada Somaliya Lagu Yaqaanay Taasina ay meesha ka saarayo Fursadii Dhalinta ee ahayd Siyaasada Somaliya.

C/rashiid Maxamed Xaashi {Duqa] oo ka mid ah Wariyaasha TV-ga Caalamiga ah ee ETN Ahna Nin Ducument-yada Sameeyay Laguna Xasuustii Daba Galkii iibinta Safaaradii Somalida ayaa La wareegay Mikrifoonka.

Duqa ayaa qabay Feker Tii Cali Raage ka Gadisan”Wuu Yiri anigu ka Aragti ahaan uma Malaynaayo in ay Dhalinta Somaliyeed ka Qatann yihiin Saxaada Siyaasada Somaliya waxaynu Aragnaa in Baarlamaanada Somaliya Hadii ay ahaan lahaayeen Maamul Goboleedyo ama Tan TFG ay Dhalinyradu Labada Gole ee Xukuumada aad uga dhex Muuqdaan isla markaana aanay ka dhex Muuqashoodu waxba soo Kordhinayn.

Duqa ayaa eedaynta dhalinta ku aadi Mid ah Heerka Siyaasada Somaliya looga qayb Galo iyo waliba dad Ruug caad ah oo in badan Siyaasada ku Jiray iyo Dhalinta ku Soo Booday aanay Marnaba Meel Kawada Tuurayn dhanka Siyaasada.

Ilka Case oo dood Qaybi ahaa ayaa sheegay in Ujeedka doodaasi tahay in lalafa Guro, Kaalinta Jeelka Somaliyeed ee Siyaasada somaliya iyo wax Hortaagan hadii ay ka mid Noqon Lahaayeen.

Sidoo kale Faadil Sheekh Maxamed  oo ah Gudoomiyaha SPP Kuna Sugnaa USA  ayaa Khadka Telefoonka Toos ugaga soo qayb Galay Munaasibadaasi waxana uu u Mahad celiyay Dhamaan Qaba Qaabiyaasha Kulankaasi Gaar ahaan Xafiiska Ururka ee SPP ee Daka Kenya.

Gudoomiyaha ayaa ka hadlay Arinta ku aadan Doorka Dhalinta iyo Siyaasada Somaliya isaga oo dadka u sheegay in SPP ay Keenayaan Isbedel Siyaasadeed oo ku Salayn Hogaan Dhalinyaro Somaliyeed.

Somali Peace Progress [SPP] waa Urur Siyaasi ah oo doonaya inuu ka qayb Galayo Doorashada Madaxtinimada Somaliya waxana Xubno ka ah Aqoonyahano Somaliyeed oo aad looga Yaqaan Somaliya iyo Rag Siyaasada Somaliya aad uga dhex Muuqan Jiray.

Galgalanews

webmaster@ceegaag.com