shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ugu yaraan inta la hubo 5 ruux ayaa ku nafwaayay  tiro aan la cayimina  way ku dhaawacmeen dagaal saaka laba maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaanka Kalshaale

 

(Kalshaale, November 16,  2010 Ceegaag Online)

Ugu yaraan inta la hubo 5 ruux ayaa ku nafwaayay  tiro aan la cayimina  way ku dhaawacmeen dagaal saaka laba maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaanka Kalshaale oo hilaadda 25km dhinaca Waqooyi ka xiga Magaalada Buuhoodle.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya beelo wada deegaankaasi oo ka soo kala jeeda Buuhoodle iyo Barriga Burco, waxaa wararka deegaankaasi ka imanayaa ay sheegayaan in xabaddu saaka ka bilaabantay xiligii la tukanayay Salaadii Ciidul Adxaha.

Goobjooge ku sugnaa degaankaas ayaa shabakadda Ceegaag u xaqiijiyay  in dagaalka labadan beelood uu salka ku hayo muran la xidhiidha deegaan cusub oo beesha bariga Burco dhawaan ka yagleeshay degaankaas kaas oo horay ay iskaga arkeen odayaasha labada beelood laguna heshiiyay in muddo bil gudaheeda ah laysugu yimaaddo shir arrintaasna lagu dhammeeyo si wadahadal iyo nabadgalyo ah.

Warku wuxuu intaas ku darayaa  in dagaalkan uu soo dedejiyay Marxuum-Cabdilaahi Maxamed Aadan oo shalay lagu dilay degaankaas ka dib markii koox hubaysan oo ku sugnaa goobtaas ay jidka u galeen baabuur Adhi siday oo uu saqeeye ka ahaa.

Waxgaradka labada beelood ayaa hadda ku gudajira sidii loo xakamayn lahaa dagaal markale ka dhaca degaankaas islamarkaana wada baaqyo nabadeed oo ay isdhaafsanayaan odayaasha ka soo kala jeeda Qorilugud iyo Buuhoodle.

Wixii war ah ee ka soo kordha xaaladdan kala soco Ceegaag Online.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com