Ugu yaraan Hal Ruuxi ayaa ku Dhintay inta la og yahay Deegaanka Kalshaale Agagaarkiis kadib Markii Habeenimadii Xalayto Koox Hubaysani Gaadhi Watay Xoolo nool oo ku sii Jeeday Magaalada Barbara Tacshiirad xoogani gaadhigaasi ku fureen Waxna halkaasi ku dhintay Mid kamid ah Dadkii gaadhigaasi la socday oo Halkaasi ku Geeriyooday.


Marxuunkaasi Dhintay ayaana Maanta lagu aasay Magaalada Xadhadhanka Waxna aaska Marxuunkaasi Maanta ka Qayb galay Cuqaal Tiro badan oo saaka ka tagay Magaalada Buuhoodle oo Ka Qayb galay Aska Marxuunkaasi Xalay lagu Dilay Deegaanka Kalshaale Agagagaarkiisa.


Dilkani Xalay Deegaankaasi ka dhacay ayaa Maanta gabi ahaanba Mandaqada ka Abuuray Xiisad Xoogan Waxana Dilkan imaanayaa iyadoo Bilooyinkan Khilaaf Xoogani ka taagnaa deegaanka Kalshaale oo Muran dhuleed Xoogan Halkaasi ka jiro, Waxna Dilkani Kadib sii xoogaystay Xaalada oo haatan maraysan Heer Culus lama ogaan karo Waxyaabaha ka danbayn Doona Dilkani Maanta Deegaankaasi ka dhacay.

Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle