shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ugu Yaraan 5 Ruuxi oo ku Dhaawacmay Shil Gaadhi oo ka Dhacay Duleedka Buuhoodle

(Buuhoodle, November 07,  2010 Ceegaag Online)

Wararka Caawa Naga soo gaadhay Deegaanka Goobwayne oo Dhinaca Bariga kaga beegan Magaalada Buuhoodle ayaa ku soo Waramaya in Deegaankaasi uu Maanta ka dhacay Shil Baabuur oo Sababay Dhaawac Tiro badan oo Gaadhaya ugu yaraan 5 Ruuxi oo Kamid ah Dadkii Gaadhigaasi la socday Maanta Gadoobay.
 
Wararka ayaa intaasi ku Daraya in Gaadhigaasi ay la socdeen Dad Reer Guuraa ah oo ka hayaamay Deegaanka Buuhoodle Waqooyi kaga Beegan Dadkaasi oo Doonayey inay Xoolahooda u hayaamiyaan Deegaanada Kale ee Dhawaan Raxmaadkii sanadkani Helay, Waxna Sidoo kale Gaadhigaasi ku Dhintay Tiro badan oo kamid ah Xoolihii Gaadhigaasi Saarnaa ee Dadka Reer Guuraagu lahaa.
 
Dhamaanba Dadkii Dhaawacmay oo Isugu jiraa Carruu iyo Haween ayaa loo Qaaday Magaalada Marqaan Wayne oo la sheegay inay ku taalo Xarun Caafimaadka Deegaankaasi si loogu Daaweeyo Dadkaasi ku dhaawacmay Shilkaasi Gaadhi ee Maanta ka dhacay Deegaanka Goobwayne, Wararka ayaana intaasi ku Daraya in Qaarkamid ah Dhaawacyadaasi Culus yihiin.
 
Ali Dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com